Dagaalkii magaalada Kismaayo oo dib u bilaawday iyo xaalada oo aad u cakiran.

Daawo Kismaanyo oo ciidamadda Aminson ay ka qadeen Video

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xooggan uu dib uga bilaawday magaaladaasi ayna xaaladu tahay mid aad u cakiran kadib markii shacabkii maalmahaan lagu dul dagaalamayay ay soo wajahday Qatar kasii dareysa.

Dagaalka maanta ayaa waxa uu dib uga bilaawday deegaanadii leesku hor-fadhiyay ee magaalada gudaheeda ahaa iyada maleeshiyaadka dagaalamaya ee daacada u kala ah Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale ay isu adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, iyada oo qoysas aan bara kicin waayahaan oo fursada ay xaafadahooda uga baxaan waayay ay wali ku xanibanyihiin xaafahooda.

Ilo wareedyadu waxa ay sheegayaan in madaafiic ay ku dhaceyso gooba ka baxsan halka lagu hirdamaayo, iyada oo halkaasi ay wax ku noqonayaan shacab ka madax banan dirirta u dhexeysa labada nin ee wada sheeganaya madaxweynaha maamulka Jubaland.

Lama soo tabin wali koox guul darro kala kulantay dagaalka maanta, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in jiida hore ay gaadhayaan gurmad labada dhinac ah oo doonaya in ay sare u qaadaan dagaalka si ay qolaba qolada kale uga guuleysato.

Wixii kasoo Kordha  lasoco.

Salaanmedia/Mogdisho