Hargeysa(SM)-Magacaabista Xillaka Cusub ee Golaha Xukuumada iskushaandheynta iyo Xilkaqaadista qaar kamid ah Wasiiradii ugu tunka Cuslaa Xukuumada Siilaanyo, ee loo tirinayay kuwa kamid ah in ay si aad ah isugu dhow yihiin Raga midida daabkeeda lahaya Madexweynaha ayaa siweyn ay Bulshada Reer Somaliland ugu falanqeysey Digreetadii u dambeysay ee Xaley Saqbadhkii kasoo Baxdey Qasriga Madaxtooyada Somaliland,oo ay ku lifaaqnaayeen Xeerka Sagaashanaadka ee Dastuurka iyo Qodobada Madexweynuhu u cuskadey Iskushaandheynta, kala Gurista Magacaabista iyo Xilkaqaadistaba.
nidaamka ay Digreetadani usoo baxdey marka loo eego in Wasiirada Golaha Xukuumada laga badelay qaarkood Wasaaridihii ay hore xilalaka uga hayeen halka Kuwa kalena laga Ceydhiyay Xilkii Wasiirnimada, inkastoo aanay faaqidaada iyo hadalheynta Dadweynaha ka maqneyn Saacada ay Qasriga Madaxtooyada kasoo baxey Nuxurka Qoraalka Magacaabista iy Xilkaqaadista iyo isku badelka Golaha Wasiiradu hadana waxa si gooni gooni ah falanqaha loogu lafa gurey Wasiirada xilka laga Qaadey oo lagu raajiyay hadalheynta aragtida laga qabo Xilkaqaadistooda inkastoo aanay aheyn Wax cusub islamarkaana Xilku yahey Meerto hadba cid loo Magacaabayo, hadana Wasiirada sida aadka ah la Isku Weydiiyay ee ku fiicnaa mudadii ay Xilka hayeen Shaqadooda  Waxa kamid ahaa Wasiirkii Wasaarada Caafimaadka Xuseen Maxamuud(Xoog) oo shaqo ahaan aqoon fiican ulahaa Shaqada Wasaaradaasi islamarkaana, ka jawaabi jirey cabasho kasta oo kasoo yeedha Degmooyinka iyo Gobolada Dalka dhinaca imkaaniyaadka iyo Adeega Baahiyaha Caafimaadka ee kajira, taas oo mudadii uu joogay uu Wasiir Xoog cagihiisa ku tagi jirey Goob kasta oo Caafimaadka ah oo laga Soo qeylyo haseyeeshee, ay Digreetada niska dambe Soo baxdey ka Xayuubisey Xilkaasi isagoo lagu tiriyo Wasiirada aan Shaqadooda dhaafin ee ugu dedaalka badnaa inkastoo Wasiirka Lagu badelay marka la isbarbardhigo aanu Shaqada Wasaaradaasi marnaba ku habooneyn Saleebaan Xaglo Toosiye oo ah nin aan ku fiicneyn dhinaca Shaqooyinka Wasaaradaha laguna tiryo Shakhsi isla Weyn oo u muuqda in uu kujiro dalxiis iyo tamashle.
Hadeynu usoo noqono Wasiirada loo Quus gooyay ee Awooda badan kulahaa Xukuumada loona tirinayay, in ay ka ag dhow yihiin dhinaca Qasriga oo uu kamid ahaa Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale(Duur) ayaa inta ugu badan ee Bulshadu aaminsan tahey in sitoos ah loo gowracey Maxaa yeelay Mudane duur waxa laga soo saarey Golaha Wakiilada Somaliland, oo uu ka ahaa Xubin adag oo Xisbiga Muxaafidka ah iyadoo, mudadii uu Xilka hayayna uu jiidhay Gidaaro culus oo ay qaarkood ka baxsanaayeen Shaqada Wasaaradiisa iyo Xilka loo igmadey, Waxaanu ahaa marka si xaqiiq ah hoos loogu dhaadhaco qof lasoo doortey oo ka awood badnaa Wasiirada iyo Golaha Xukuumadaba iyadoo ay khalad tahey in ay aaminaan in Wasiirnimadu ka Culus tahey Xilka loo igmadey waxey dad badani aaminsan yihiin in ay abaalkiisa tahey in loogu ciyi celiyo tan maanta lasoo daristey Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Duur, Waxaanu Tusaale unoqonayaa isagu rag lamid ah oo Xilsare ka hayay Golaha Wakiilada uu kamidka ahaa sida Wasiirka Maaliyada oo isaguna aaminsan in uu ka ag dhow yahey Qasriga haseyeeshee, loogu Quus goyn doono wakhtiyada soo socda sidaa uu cidlada ujoogsadey Wasiir Duur, Wasiirada kale ee iyagana sida aadka ah loo hadalhayay waxa kamid ah Wasiir C/laahi Cismaan Jaamac(Geel-Jire), waxa dad badani si aad ah isku Weydiiyeen halka uu kaga Jirey Liiska lasoo saarey maxaa Yeelay marka aad si dhab ah u dhugato Nuxurka Qoraalka Digreetada ah ee kasoo Baxdey Xafiiska Madexweynaha, waxa uu badhtanka kaga jiraa Geeljire Liiska Magacaabista iyo Iskubedelka Wasaaradaha iyadoo, ay ku Xusan tahey in Wasaaradiisii loo magacaabay Wasiir kale, hadana Magaciisu waxa uu yaalaa Goob madhan oo aanay Waxba ku xusneyn taas oo macnaheedu yahey in banaanka loo saarey tusaale ahaan Axmed Cabdi Xaabsade waxa laga Qaadey Xilkii Wasiirnimada hadana waxa loo Magacaabay lataliye isaga iyo Wasiirkii Deegaanka(Gacamey), Geeljire arintani waxey umuuqataa mid dhinacyo badan loo qaadi karo.
Dhinaca kale waxa  liiska Digreetadaasi ka muuqdey dareen aad usoo jiitay Dadweynaha maadaama ay iska Waayeen rag badan oo dibada Joogay oo filayay Mudooyinkii u dambeeyay in Loo magacaabo Xil Wasiirnimo sida Hogaamiyayaashii Ururada ku hadhey Tartankii Doorashooyinka D/hoose ee dalka kasoo qabsoomay,  Ururadii Dalsan iyo Rays Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil-Yare), iyo Xasan Gaafaadhi inkastoo dadweynuhu hadalhayeen in Xasan-Gaafaadhi aanu jecleyn in  Xil loo magacaabo hadana loo Magacaabay Garbkiisii midig Wasiiru dowle, oo ay isku hayb yihiin Waxa kale oo digreetadani falaadh ku mudan noqotey Ismaaciil Aadan Cismaan oo ay dad ka agdhaw Qasriga Madaxtooyadu tibaaxeen, in markii hore uu Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan dedaal badan ugu jirey in loo Magacaabo Ismaaciil-yare Xil Wasiir haseyeeshee, hada lagala masuugey kadib markii uu Xidhiidh Iskaashi saaxiibtinimo ah la Yeeshay Wasiirka Maaliyada oo aanay Xirsi isku fiicneyn.
Magacaabista Cali Maxamed Warancade iyo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo labadaba laga Soo Qaatey Xisbiga Wadani iyo Sharcigii……….Lasoco.
Xigasho Hadhwanaag