Guddoomiyaha Dallada Midowga Saxaafadda Somaliland Khadar Cakule Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Magacaabista Wasiirka Warfaafinta Ee Cukuse.

(SM-Hargaysa) Guddoomiyaha  Dallada Midowga Saxaafadda Somaliland, Khadar Maxamed Cakule ayaa adaxweynaha ku hanbalyeeyay Magacaabista Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta uu u agacaabay, Cabdillaahi Maxamed Dhair (Cukuse) Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo nasoo gaadhsiiyay, kaas oo u dhignaa sidan.

 

“Anigoo ku hadlaaya Afka Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland (USJ) iyo dhammaan xubnaha dalladu waxay dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo magacaabista uu Wasaarada Warfaafinta u magacaabay Wasiirka Cusub Mudane Abdilahi Maxamed Daahir Cukuse, iyadoo aan u arko inuu yahay shakhsi ku haboon oo waayo aragnimo iyo khibrad guun ah u  leh Mihnada saxaafada mid dowladeed iyo mid madaxbanaanba.

Hadaba urur saxaafad ahaan waxaan aad u soo dhoweynaynaa wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Mudane Cabdilahi Maxamed Daahir Cukuse, waxaanu  diyaar u nahay urur ahaan inaanu wasaarada iska kaashano  sidii warbaahinta Somaliland kor loogu qaadi lahaa iyadoo xooga la saarayo in loo raadiyo fursado tababar iyo aqoon korodhsi dibed iyo gudoba.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha Dallada midawga Suxufiyiinta Somaliland (USJ) wuxuu  wasiirka cusub ee Warfaafinta ugu hambalyeynayaa Xilka cusub iyadoo uu ku dardaaray inuu garab iyo gaashaan u noqdo saxaafada Dalka Jamhuuriyada Somaliland guud ahaan.”

Gudoomiyaha USJ Khadar Maxamed Cakulle  
+ 252-2 4409977 Hargiesa Somaliland

E-Mail. Cakulle12@yahoo.com