Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan geliyay Xeerka Tiro-koobka

Madaxweyne Siilaanyo oo ka waramaaya kulanka uu ku joogo Bariga Dhexe. Daawo

 

HARGEYSA (SM)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhaqan geliyay xeerka Tiro-koobka oo ay hore u ansixiyeen Goleyaasha Baarlamaanka ee Wakiiladda iyo Guurtidda.

Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa caawa dhaqan gelinta xeerkan ka soo saaray war-saxaafadeed waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu dhaqan-geliyey xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013Xeerkaasi oo ah (Statistics Law).

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, go’aan Lr. GW/G/KF-21/593/2013 ee ku taariikhaysan 28/05/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013.

Wuxuu Soo Saaray Dhaqan-galka Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Salaanmedia/Hargaysa