Xulka Maroodi-jeex Oo u awood sheegtay Xulka Buuhoodle Iyo Daad-madheedh & Hawd oo Is-bar-bareeyay

Xulka Maroodi-jeex Oo u awood sheegtay Xulka Buuhoodle Iyo Daad-madheedh & Hawd oo Is-bar-bareeyay

June 6th, 2013 

Hargeysa (SM)-Tartankii Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland oo Maraya Meel Xasaasi ah ayaa Waxaa Maanta Fooda Is daray Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle,halka ay Sidoo kalena is haleeleen Xulalka Gobolada Daad Madheedh iyo Hawd.

Ciyaarta hore ayaa dhex maray Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle oo ay u ahayd Ciyaartiisii Kowaad waxaana labada Xul ay Soo Bandhigeen qaab Ciyaareed farsamaysan, Xulka Gobolka Maroodi jeex ayaa ku Hor maray Goolkii 1aad ee Ciyaarta.

Daqiiqado kadib ayaa Xulka Gobolka Buuhoodle Waxay la Yimaadeen Goolkoodi Barbar dhaca ahaa ,oo uu u saxeexay Ciyaar yahanka lagu magacaabo Birimo oo Sita Nombarka 11aad.

Hasa Yeeshee Xulka Gobolka Maroodi Jeex ayaa markaas kadib waxa uu soo qaaday Weerar baaxad leh waxaana u Suuro gashay inay la Yimaadaan Goolkii ku hogaamiyay dariiqa Guusha iyadoo ay labada Gool u kala dhaliyeen Xulka Gobolka Maroodi Jeex Ciyaar yahanada afka hore uga Safta ee kala ah Cabdi Riyaad iyo Axmed Kayse Raanbo.

Xulka Gobolka Buuhoodle ayaa helay Fursado Gool loo fisho inkastoo aanay Kubadoodu lahayn dhamaystir, Ciyaartaasi waxay ku dhamaatay Laba Gool iyo Hal ay ku Guulaysteen Xulka Gobolka Maroodi jeex .

Ciyaartii labaad ayaa dhaxmartay Gobolada Daad Madheedh iyo Hawd,taas oo ahayd Ciyaar aad u adag Marka laga qiyaas qaato Mudadii Tartanku Socday Waxaanay labada Xul Soo bandhigeen Qaab Ciyaareed ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis uu Xul kastaaba ku doonayay inuu Guusha ku beegsado .

Ciyaartii labaad ayaa dhaxmartay Gobolada Daad Madheedh iyo Hawd,taas oo ahayd Ciyaar aad u adag Marka laga qiyaas qaato Mudadii Tartanku Socday Waxaanay labada Xul Soo bandhigeen Qaab Ciyaareed ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis uu Xul kastaaba ku doonayay inuu Guusha ku beegsado .

Qaybtii hore ee Ciyaarta ayaa la isla dhaafi waayay eber iyo Eber,hasa yeeshee markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee Ciyaarta ee Xul kastaaba la soo tashaday Tababarahooda ayaa Kubad laga soo Shaqeeyay waxaa Goolka Gobolka Hawd ku hubsaday Ciyaar yahanka la yidhaa Amiin ee Xulka Gobolka Daad Madheedh u Sita Nombar 7,Isla markaana ah Ciyaar yahanka Hogaaminaya Gool dhalinta Tartanka Gobolada Somaliland.

Markaas kadib ay khalad ka dhacay Diilinta 18aad ee Goolka Gobolka Daad Madheedh ayaa u Suuro galiyay in Laad toos ah loo dhigo Xulka Gobolka Hawd waxaana Goolkaasi Barbardhaca ah u Saxeexay Ciyaar yahanka lagu magacaabo Haybe Good Hure .

Sidaas ayaanay Ciyaartaasi ugu dhamaatay barbar dhac Gool iyo Gool ah.

Maalinta beri oo Jimce ah waxaa isaga hor iman doona Xulalka Gobolada Badhan iyo Saaxil halka ay Ciyaarta labaadna ay fooda isku dari doonaan Xulalka Sanaag iyo Saraar.


Salaan/Hargeysa