Yuusuf Garaad Oo Hambalyo U Diray Wasiirka Cusub Ee Warfaafinta Somaliland

(SM:Hargaysa)  Hambalyo Cabdullahi Cukuse, Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somaliland. Cukuse oo aan wada dhigannay Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, waxaa uu berigaa noo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka.

Waxaa iigu dambeysay Madaarka Berbera, sannadkii hore isaga oo u socda in uu soo xajiyo. Sannadkii ka horreeyayna waxaan wada joognay Xajka. Waa aftahan, u soo joogay wixii dalka iyo Jabhadahaba ka dhacay.

Waxaan ugu hambalyeynayaa xilka loo magacaabay. Waxaanna ka rajeynayaa inuu dhowri doono xorriyadda iyo horumarinta saxaafadda isla markaana gacan ka geysan doono in la oggolaado idaacado gaar loo leeyahay.