Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Gaaray Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Bay.

askar itoobiyaan ah

Wararka saaka naga soo gaadhay Gobolka bay ayaa sheegaya in Ciidamadii Itoobiyaanka ee dhawaanta ka baxay Magaalada Baydhabo ee magaala madaxda Gobolka Bay in ay gaadheen Degmada Qansax dheere ee Gobolkaas.

Ciidamadan oo wata Hubkooda ayaa la sheegay in halkaas ay ka samaysteen Fariisimo cusub isla markaana ay isu diyaarinayaan side ay halkaa weerar uga qaadi lahaayeen Degmada Diinsoor oo xiligan ay ku sugan yihiin Xarakada Shabaab.

Dhaq dhaqaaq Ciidan ayaa lagu soo waramayaa in laga dareemayo Degmada Qansax Dheere iyo degaanada kale ee hoos yimaada oo ay halkaa ka wadaan Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ee dhawaanta gaadhay Degmadaas.

Dhinaca kalena Degmada ceel barde ee Gobolka bay ayaa iyaguna waxa gaadhay qaybo kale oo ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanka ee ka baxay magaalada baydhabo kuwaasoo la sheegay iyaguna inay halkaa ka wadaan dhaq dhaqaaq ay ku doonayaan inay ku weerraan Magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Xarakada Shabaab.

Mas’uuliyiinta dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa hore u sheegay in ay jiraan qorshayaal la dejiyay oo ku aadan ka xoreynta Xarakada Shabaab dhamaanba  degmooyinka iyo degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Bay iyo Bakool.

Dhaq dhaqaaqyadan u dambeeyay ee laga soo sheegayo  in Ciidamada Itoobiyaanku ay ka wadaan Gobolada bay iyo bakool ayaa waxa uu ka dambeeyay dhawaan mar uu Magaalada baydhabo booqday Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saacid kaasoo sheegay  in goboladaasi laga saari doono dhaq dhaqaaqa Shabaab.

Salaanmedia/Moqdisho