Daawo Sawirrada Markaska Ibnu-Kathiir Ee Barashada Quraanka Iyo Culuumta Diinta Islaamka Ee Magaalada Borama Oo Ay Ka Qalinjabiyeen Xifdiga Quraanka Kariimka 14 Arday

Jul 6,2013 Borama(SM) – Munaasabad ay ka qalinjabiyeen Xifdiga quraanka kariim 14 Arday oo shan ka mid ahi yihiin  gabdho ayaa ka dhacday barxada wayn ee Dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar waxaana soo agaasimay maamulka iyo macallimiinta Markaska barashada Quraanka iyo Culuumta Diinta Islaamka Ee Ibnu-Kathiir ee ku yaala xaafada Sheekh Cali Jawhar Ee Magaalada Boorama.

Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa hadal dheer ka soo jeediyay Maamulaha Markaskan Sheekh Maxamed  Faarax Raageh waxa uuna ku dheeraaday ahmiyada qofka muslimka ah ay u leedahay barashada iyo xifdiga quraanka Kariimka kaas oo uu sheegay ina alle agtiisa qofkaasi ka yahay qof maamus iyo sharaf xanbaarsan.

Sheekh Maxamed Faarax ayaa sidoo kale sheegay in arday sanadkan dhamaysay xifdiga quraanka ee Soddonka Jis ay dhan yihiin 15 Arday kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin Gabdho, sidoo kale sheekhu waxa uu sheegay in markaskan uu yahay markasyada ugu waawayn ee wax ka barta quraanka Kariimka iyo culuumta diinta Islaamka ee ku yaala Boorama , waxa oo kale uu sheegay in ay ku jiraan Jimciyada Al-huda oo kulmisay Qaar ka mid ah Maraakiista magaalada Boorama ee lagu barto quraanka iyo culuumta Diinta islaamka.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay maamule ku xigeenka dugsiga sare ee Al-Aqsa Mudane C/raxmaan  Daahir Cali,Sheekh Xuseen Nuur Qalinle,Sheekh Ibraahim Omar Jaamac oo ka mid ah qurba joog, mid ka mid ah waalidiinta  Hooyo Cibaado Arkab waxa ayna dhamaantood ugu mahadnaqeen Sheekh maxamed Faarax sida uu had iyo jeeraale la taagan yahay dadaalka dhinaca xifdiga Kitaabka Quraanka Kariimka.

Gabo gabadii munaasabadan waxaa ardaydaas dhamaysay xifdiga quraanka Kariimka la gudoonsiiyay Shahaadooyin iyo abaal marino qaaliya.”