Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Iska Fogeeyay Warbixin Ku Saabsan Lacago Bankiga Lagala Baxay

Cabdisalaam_HadliyeMuqdisho (SM) Guddoomiyaha bankiga dhexe, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa iska fogeeyay warbixinta ku saabsan in 80% lacagaha kusoo xarooday bankiga dhexe ee Soomaaliya ay la baxeen shaqsiyaad gaar ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayay Qaramada Midoobay ku sheegtay in lacagaha bankiga inta badan loo adeegsado dano shaqsiyadeed, iyadoo sheegtay in intii u dhexeysay bilihii September sannadkii hore iyo Abriil sannadkan ay dad gaar ah kala baxeen bankiga saddex mooleed illaa afar meelood lacagihii bankiga soo galay.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Macalin Nuur oo ah madaxa saadka ciidamada xoogga dalka uu bankiga kala baxay lacag dhan shan milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ayaa sheegay in xilka uu hayo afar bil iyo bar, isla markaana wixii lacago ah ee bangiga ka baxay ay ku baxeen qaab sharci ah, isagoo tilmaamay in warbixintan ay tahay mid la been abuuray.

“Aniga waxaan guddoomiyaha bankiga dhexe ahay afar afar bilood iyo bar, wax walba waxay ku baxeen hab sharci ah, mana jirin shaqsiyaad lacago si iskood ah ula baxa,” ayuu yiri Hadliye.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in isaga aanu ku lug lahayn wixii horay u dhacay  balse uu diyaar u yahay in lagula xisaabtamo wixii dhacay markii uu xilkan la wareegay oo afar bilood laga joogo.

Warbixinta Qaramada Midoobey ayaa daaha ka rogtay fadeexad cusub oo lasoo daristay dowladda Soomaaliya, iyadoo madaxda dowladda ay horay u sheegeen inay ku shaqeyn doonaan hab cad oo aan musuqmaasuq ku jirin.

Salaanmedia/Mogdisho