“Guulo La Taaban Karo Ayaanu Ka Soo Hoynay Waddanka Maraykanka ….Taageerayaashii Xisbiga Ee….”.Jamaal Cali Xuseen

(SM:Hargaysa)    Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa shaaca ka qaaday inuu Xisbiga UCID guullo la taaban karo ka soo hooyey waddanka Mareykanka,ka dib markii uu khudbad ku saabsan arrimaha Somaliland u jeediyey Baarlamaanka waddankaas. Sidaas waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay,ka dib markii uu dalka dib ugu soo noqday isaga oo qolka nasashada Madaarka Berbera ugu waramayey warbaahinta.

Mar la weydiiyey Jamaal Cali Xuseen muddadii afarta bilood iyo dheeraadka ahayd ee uu dibadda ku maqnaa waxa uga soo qabsoomay, waxa uu ku jawaabay“Waxaan ku faraxsanay inaan maanta ku soo guryo noqday hoygaygii Somaliland, waa wax lagu farxo mar haddii ILAAHAY igu soo nabad-celiyey,sidaad og-tihiin markii hore waxa laga baxay doorasho (Deegaanka) adag waxaan anigu u baxay qurbaha oo waxaan ku maqnaa muddo,intaa aan ku maqnaa qurbaha waxaan ku maqnaa dan qaran iyo dan Xisbi labada-ba, oo marna waxaan ka shaqeynayey danta Xisbigayaga sidaan isugu duba ridi lahayn, marna danta Somaliland oo arrimo baddan oo aan doonayno inaan xiligeeda ka midho dhalino dad baddan oo aanu asaxaab nahay oo aanu ku leenahay caalamka inaan kala soo hadalno kana soo dhaadhicino qaddiyada Somaliland halka ay mareyso”.

“Waddamada qurbaha ah ee aan soo marnay inaan Xafiisyada Xisbiga si aad ah uga dhisano, inaan la kulano madaxda Waddamadaasi qaarkoodna aan xidhiidh hore la lahaa, qaarkoodna aan xidhiidh cusub la sameystey aniga iyo Xisbigayaguba. Markii hore Waqooyiga Amerika waddamada Kanada iyo Mareykankuba si fiican ayaan Xisbiga uga soo dhaqaajinay oo aan uga soo sameynay, dadkii reer Somaliland ah ee meelahaas aan isku aragnayna afkaar baddan ayaanu is-weydaarsanay, iyaga qudhoodu tallooyin iyo aragtiyo ayey nagu soo kordhiyeen. Annaguna waxaanu fursada u isticmaalnay inaan qaddiyada Somaliland mar-walba halkaa ka muujino oo aanu horumarino.Inkasta oo ay dawladu xaq u leedahay inay jiheyso siyaasada arrimaha dibada, haddana waxa lagama maarmaan ah inay ka tallo-geliso bulsha weynta reer  Somaliland si dalku u yeesho Siyaasad cad oo leh meel loo raaco, dawladuna inay mar-walba dhageysato shicibkii soo doortey oo ay wax ku qabato tixgelina siiso shacabkeeda.”.

“Guulo la taaban karo ayaanu ka soo hoynay waddanka Mareykanka oo madax aad u sareysa iyo Baarlamaan ayaanu khudbado ka jeedinay oo na dhageystey oo aan ka hadalnay arrimaha Somaliland, waa wax aan hore u dhicin oo aan annaguna Xisbi ahaan (UCID) ILAAHAY ugu shugriyeyno,taasina waa waajib naga saarnaa qaranka. Markaa dadkii qurbaha taageerayaashii Xisbiga asaxaabtii iyo dadkii aan ka dhaadhicinaynay Somaliland. Markii danbena waxaan imid waddanka Ingiriiska oo waxaan kala qeybgalay xafladihii ay qabsanayeen dadkii ingiriiska joogay oo ay ugu dabaal-dagayeen guushii Xisbiga UCID ayaan kala qeybgalno”.p