Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Xaaladda Kismaayo iyo Xadhigga Xasan Daahir Aways. Waraysi Gaara

“Arrintaasi hadday cadaato waa dhibaato soo korodhay waxaana lagala xisaabtamayaa AMISOM iyo midawga Afrika……..”

 

“Xasan arritiisu waa mid xaasaasiyadeeda leh oo loo baahan yahay in degenaan lagu galo,haddii lagu deg dego waxay yeelanaysaa saamaynteeda”Ismaaciil Buubaa

Muqdisho(SM):- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa xaaladda magaalada Kismaayo ku tilmaamay nasiib-darro ku dhacday ummadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado daadashada dhiigga aan joogsiga lahayn iyo dabka maalinba meelinta ka dambaysa kasii holcaya, waxaanu sidoo kale ka hadlay arrinta Sheekh Xasan Daahir Aways.

Prof Ismaaciil Buubaa

Prof Ismaaciil Buubaa oo ah siyaasi in badan ku noolaa dalka Keyna, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyay ee Soomaaliya, immikana ku sugan magaaladda Muqdisho, balse aan xil uu hadda hayaa jirin, ayaa dagaalka ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ku sheegay hadday caddaato in Ciidanka Kenya ay qayb ka noqdeen oo dhinacyada dagaallamaya mid ka mid ah la safteen ay taasi keenayso dhibaato soo food-saarta guud ahaan Ciidammada Midawga Afirka (AMISOM) oo ay ka mid yihiin Ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo.

Ismaaciil Buubaa waxaa uu arrimahaa kaga hadlay waraysi uu khadka taleefanka xalay ku siiyay Wargayska Somalilandtoday,waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan.

S: Ismaaciil Buubaa, waxaad ka warrantaa xaaladda magaalada Muqdisho iyo xaaladeeda xadhiga Xasan Daahir Aways ka dib?

J: Xaaladda magaaladu way deggan tahay wax dhibaato ahina kama jiraan Xasan Daahir-na waxaa gacanta ku haysa dawladda, waxaana immika dawaldda iyo Xasan u socda wadahadallo, kuwaasoo la filayo in ay ugu dambayn wax isku raacaan, Xasan-na xaq ayuu leeyahay dawladdana masuuliyad ayaa saaran. Markaa, waxaan filayaa in aanay dawladdu ku kacayn wax caddaalad-darro ah oo soo gaadha Xasan Daahir Aways, taasina waxay ku xidhan tahay marka ay wadahadlaan ee ay wax isku afgartaan.

S: Ismaaciil, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Xasan Daahir waxay sheegayaan in lagu wareejiyay Sirdoonka dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, tallaabadaasi miyaanay saamayn ku yeelanayn saamaxaaddii uu Madaxwayne Xasan ugu baaqay cid kasta oo ka soo noqota Al-shabaab?

J.Taa  waxba kama jiraan, Xasan-na waxaa gacanta ku haysa oo arrintiisa  iyo hawshiisaba maamulkeeda iska leh dawladda Soomaaliya, cid aan dawladda ahayn oo loo gacan-geliyayna ma jirto. Ta kale waa run in Madaxwayuhu in uu cafis ugu baaqay cid kasta oo Soomaali ah oo ka soo noqota Al-Shabaab, laakiin Xasan wuxuu ka soo baxsaday Al-Shabaab oo dhexdooda uu khilaaf ka dhex qarxay oo dagaal iyaga dhex maray xataa sababay in garabkii Xasan ay isku fikirka ahaayeen in lagu dilay. Markaa, tallaabada dawladda iyo Xasan ay ku wada macaamilayaan waxay ku xidhan tahay waxa uu Xasan sheego in uu aamminsanyahay iyo mawqifkiisa marka uu sheego, mana filayo in ay dawladdu caddaalad-darro kula kacayso Xasan.

S: Laakiin, haddii ay dhacdo in Xasan loo gacan-geliyay Sirdoon dal kale iyo shirka ay isla maanta (shalay) yeesheen Beesha uu ka soo jeedaa miyaanay ahayn xaalad culus oo ku soo korodhay Soomaaliya?

J: Horta, taasi waa mala-awaal oo ma jirto, markaa waxaan leeyahay dhinacyada ay arrintani qusaysaa waa in aanay deg-deg  tallaabo u qaadin sababtoo ah, Xasan waxaa lagu ogyahay gacanta dawladda wax kasta oo sidaa ka beddelan oo dhacaana waa dhibaato hor leh oo soo kordhay, isla markaana saamaynteeda yeelanaysa. Dhanka beeshiisa waa beel jecel wanaagga iyo horumarka iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed, mana filayo in ay ka soo baxayaan shirkooda waxaan wanaag ahayn. Markaa, waxaan ku talinayaa in arrinta Xasan Daahir Aways aan laga dhigin xiisad, dawladduna ay caqliga ugu wanaagsan ku maamusho. Haddii taa la waayo oo ay dhacaan gabbood-fallo loo geysto, waxay keenaysaa in ay dagaallo hor seeddo oo ay xaaladdu noqoto mid qabiil oo reero isku hub gurtaan laguna kala tago dawladnimada.

S: Ismaaciil, waxaad ka warrantaa ogaalkaa xaaladda magaalada Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaallo ka socdeen iyo Ciidanka Kenya oo garabyadii is hayay mid ka mid ah la safatay waxa ka dhalan kara?

J: Horta, waxa Kismaayo ka dhacayaa waa ayaan-darro ku habsatay ummadda Soomaaliyeed in maalinba meel macno darro loo laayo dad,oo la daadiyo dhiigoodu,waxay ka mid tahay inkaaraha Soomaali haysta, waxaana loo baahan yahay in wada hadal iyo isku tanaasul lagu dhamaysto wax kasta oo soo kordha,ta kale wali war sugan oo caddaynaya lama hayo in ciidanka Kenya eek u sugan magaalada Kismaayo in ay dagaalka ku lug leeyihiin, oo warbaahinta ayuunbaa  laga maqlay,hadayse caddaato oo ay dhacday in ciidanka akaenya reeceen dhan ka mid ah garabyadaa Kismaayo ku dagaalamay taasi waxay noqonaysaa dhibaato soo food saartay guud ahaan ciidamadda AMISOM.

Waayo? Ciidanka AMISOM Soomaaliya wuxuu ku yimi heshiis nabad-ilaalineed iyo in uu dawladda kala shaqeeyo dhanka ammaanka. Markay sidaa tahay Ciidanka Kenya gaarkooda umay iman Soomaaliya ee waxay qayb ka yihiin Ciidanka AMISOM, wixii halkaa ka yimaadda iyo hadday caddaato in ay gacan ku leeyihiin dagaalka-ba waxaa laga rabaa in ay tallaabo ka qaadaan Masuuliyiinta Ciidanka AMISOM, waxaanay saamaynaysaa guud ahaan xidhiidhka dalalka Kenya iyo Soomaaliya iyo waliba guud ahaan xidhiidhka Midawga Afrika iyo Kenya iyo Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya. Laakiin, waa hadday caddaato oo si madax-bannaan loo ogaado in ay Kenya Ciidankeedu dhan la safteen oo ay dagaalka Kismaayo qayb ka noqdeen.