Madaxwaynaha Jabuuti Iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Dhagax Dhigay Dhabo Tareen Oo Malaayiin Dollar Ku Kacaya

(SM-Hargeysa) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia H. Delesegn ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee dhabo tareen oo isku xidhaysa Jabuuti iyo Addis-ababa.

Munaasibadii lagu dhagax dhigayey dhabaha tareenka ee isku xidhaysa Magaalooyinka Addis-ababa iyo Jabuuti oo ku kacaysa adduun ka badan lix boqol oo Milyan Oo Faranka Jabuuti ah, ayaa waxa hadalo ka soo jeediyay Madaxwaynaha Jabuuti iyo Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Delesegn, waxayna labadooduba sheegeen in mashruucani wax ka tari doono isku socodka labada dal.

Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo hadalka ku horeeyay ayaa yidhi “Ilaa lix boqol oo Milyan oo Lacagta Faranka ah ayuu ku tagayaa Jabuuti ilaa Addis-abaab (Ku kacayaa), qiimaha intaasi leeg wuxuu qiimo siinayaa dekedeena, dhabaha tareenka ee Addis-ababa tagayaa, waxaanu ku hamiyeynaa inuu gaadho Afrika dhankeeda shishe”

Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Delesegn, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu si dardar leh u soo wadnay dhabahan, waxaanuna soo dhamaynay 20% mashruucan”

Dhabahan oo dhanka Itoobiya ka soo dhamaatay ilaa 20%, ayaa waxa maanta la dhagax dhigay qaybtiisa dalka Jabuuti, waxaana si rasmi ah loo bilaabi doonaa dhismihiisa.

Mashruuca dhabahan tareenka oo ah kii labaad ee isku xidhaya dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa waxa Maalgalinaya isla-markaana kharashka uu ku kacayo bixinaysa dawladda Shiinaha.

Salaanmedia/Hargaysa