Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa saaka Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqodoonka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa saaka Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqodoonka Dhalin yarada oo ay wasaaradda Qarshaynta Qaranku ay soo abaabushay kaasi oo laga Furay Wasaarada Caafimaadka Gudeheeda halkaas oo madaxweynuhu uu soo kormeeray Guud ahaan Shaqaalah iyo Agabka ka shaqaynaaya iyo adeegyada ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba

Sidoo kale Waxa uu Madaxweynuhu ka qayb galay Xaflada Furitaanka Shir laba maalmood socon doona oo loogu qabtay Hotel Mansoor soona qaban qaabisay Wasaarada Qorshaynta Qaranku taasi oo lagaga hadlaayo sidii shaqo loogu samayn lahaa Dhalinyarada dalka loogana jojin lahaa Tahriibka.

 

Ugu danbayn Madaxweynuhu waxa uu furay carwo loogu dardar gelinaayo shaqo abuurka oo iyana laga furay Hotel Maansoon taasi oo ay soo abaabuleen Ganacsatada iyo Wasaarada Qorshaynta QARANKU.

 

Salaanmedia/Hargaysa

 Xigasho Togaherer