Madaxweyne Silanyo Oo Xafiiska ku qaabilay Dr. Bilal Philips

Madaxweyne Silanyo Oo Xafiiska ku qaabilay Dr. Bilal Philips

 

Madaxweyne Somaliiland Mudane, Ahmed Max,ed Silanyo ayaa Saaka Qasriga Madaxtooyada qaabilaad balaadhan ugu sameeyey Daaciga caanka ah ee Dr. Bilal Philips oo maalmihii ugu danbeeye ku sugnaa caasimada wadanka ee Hargeisa

Madaxweyne Silanyo Oo Xafiiska ku qaabilay Dr. Bilal Philips1

 

Dr. Bilal oo ah mu,asaska Jaamacada Islamic Online University oo faracyo badan ku leh dunida oo sidoo kale sanadadii u danbeeyey uu shaqeynayey xafiis weyn oo ay Jaamacaddu ka furatey Somaliland kuna yaala Magaalada Hargeisa ayaa waxaa uu Madaxweyne Silanyo iyo Xukumadiisa gaar ahaan Wasaarada waxbarashada ku amaaney liisanka waxbarashada ee ay Dawladu siisay Jaamacada isaga oo bilad sharafeed ugu talo galay shacabka iyo qaranka Somaliland gudoonsiiyey Madaxweyne Silanyo

Madaxweyne Silanyo Oo Xafiiska ku qaabilay Dr. Bilal Philips4

 

Imaatinka wadanka ee Dr. Bilal ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatey Somaliland iyada oo uu Sheikhu yahay nin caalamiya saaxibo badan oo sidiisa caan ahna u sameyn karo Somaliland gaar ahaan dadka ku suntan u adeega diinta islaamka

Madaxweyne Silanyo Oo Xafiiska ku qaabilay Dr. Bilal Philips2

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheikh Khaliil, Lataliayaha Madaxweynaha Arimaha Bulshada Haldoor Barkhad, Safiirka Somaliland ee wadanka Saudiga Sheikh Safina, Wakiilka Jaamacada Islamic Online ee Somaliland Sheikh Sacid, Madaxda Jaamacada Golis ayaa iyaguna dhamaantood ku wehelinaayey Sheikha Kulanka Madaxweynaha iyaga oo xubnahaas oo dhami ahaa kuwii fududeeyey imaatinka Sheikh ee wadanka. Kulankan oo ahaa mid aan saxaafadu goob joog ka aheyn ayaa hadddana ku dhamaaday si fiican oo rajoweyn sii galisay Dr. Bilal waxaana laga yaaba iney wadanka imaadaan isaga gadaashii Culimo badan oo Caalami ah.