Miyaa ku ogolaateen xumaha, idinka oo diinle

image

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah ee hadh iyo habeen nala socodsiiya waxa ka dhaca dunida dacaladeeda, iyo akhristayaasha qimaha leh, meel ay joogaanba.

 

Bacdo salaan.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa tix gabay ah oo gaaban kuna socota shacbiga qiimaha leh reer soomaaliland.Tixdu iyadaa is sharaxaysa oo uma baahna in aan inigu tafaasiil ka bixiyo, ee ku soo dhawaada.

Waxba yaanan aalada culculus, idinku aafayne

 
Wax ba yaanan amikaaro iyo, aarmi soo kicine 

Waxa yaanan arlo nabada iyo, ololin beelaha e

Waxba yaanan sida aar libaax, ooda soo jebine

Waxba yaanan odayaasha iyo, aarankaba layne

Afar iga dardaarana bal aan oogta ka cadeeyo.



Dawladaa amaantuun rabtiyo, aayo inay gaadho

Arxanna aan u gelahayn kuwii aadka ugu xiiqay

Ee ololii wacad-kay mareen, oofin kari waayay

Ee ubadki soo wada halgamay, aadyar lagu laayay

Ee Awdal iyo selel nabdoon,ololka gaadhsiisay

Ee gacalki wada ooli jiray, kala irdhaysiisay

Saxafadan afkii laga xidhay, laga ilroonaaday

Eekii eray yidhaahaba, dadkii la aamusiinaayo

Ee ooridii dumar xidhaye,badaya eedaadka

Ee abaalka ruuxii u galay, waa uf odhanaysa.

Oday baabanu moodaayay iyo ehelu khayrkiiye
Abeesuu noqdoo waar duqani, aayatiin. malehe.

Ictiraafna daayoo kuwani, xidhe albaab kiiye

Aduun booba mooyee ragani, ma arimiyaane

Awelba waan aqaanee, idina barate sheekhiiye

Waayo arag ninkaa moodayseen, male aqoontiiye

Danyartiyo agoontaa la xaday, waa ibtilo wayne

Ilaah baa awood lehe, asagu ha ina dhaafshaba e

Amnigii xumaayoo dalkii wada alhuumeeye 

Booliis awooduu lahaa, lagu asqaysiiye

Kani agabki lagu aaminiyo, iibi aqal kiiye 

Eexo gaara iyo buu nabaray, booba aradkiiye

Waxu oogayaa bay beryahan ka ashkatoodaane

Agagixiso mooyee ma arag, dawlad eegan ahe


Miyaa ku ogolaateen xumaha, idinka oo diinle.


Caydiid Cali (Garnaqaaye)