Siilaanyo Maxuu Isaga Reebay Isku Shaandhayntiisi

Siilaanyo Maxuu Isaga Reebay  Isku Shaandhayntiisi
maqaal
 
Wiigan aynu ku jirno Siilaanyo waxa uu inagaga yaabiyay isku shaandhayntii golaha wasiiradiisa , Tan oo ahayd  tii labaad  mise sadexaad intii dawladan hada talada haysaa jirtay oo ah sadex sano, sida soo if baxdayna  inaga oo qudha inagama  ay yaabin habkii loo xulay  se waxay  xataa ka yaabisay kuwii xilka ka hayay dawlada sida loo kala xushay.
 
Isku shaandhayni sideedaba ma aha wax aan la filan ,  waa mid uu  fisho  qofkasta oo xil qabtaa  gaar ahaan marka ay ka imayso madaxwayne weli is moodaya inuu sal dhiganaayo ,hawl iyo shaqana u taal.  Se tani waxay  muujisay sida  siilaanyo  isagu kalsoonayn awood  uu u madax baanan yahyna u lahayn in uu ku sameeyo shaandhayn dhab ah waxana  muuqda   talooyin iyo tusaalayn badan oo u haboonaan lahaa in aanay gaadhin xafiiskiisa.
 
 Xaqiiq waxaa ah isku shaandhayn dhab ah oo la helaa in aanay  habeen iyo laba  wax ku badasheen se waxay  ibo fur u noqon lahayd in la filo waxii  dadku ku doorteen iyo waxii ay filayeen  in   dalku  helo cadaalad awood qaybsi deegaan ilaa heer qabiil taas oo  saamaxaysa    in la helo qorshe baahsan (holistic approach) oo wax lagaga qabto caqabadaha horyaal. Se waxaa iska muuqda heer siyaasad iyo maamulba in golahani aanu wax  baro dheeri ah   dheeraanayn kuwaa ay badaleen.
 
Madaxwaynahani wax uu igu muuqadaa tababare, hadana isaga oo ciyaartooy wacan haysta laga badinayo mar kasta, intaana eedaynaya ciyaartooyda  isaga oo hadana isku  bad badalaya ciyaar kasta ,  marnaba aan isu arkin   in  dhibtaadu  isaga tahay, se waxa uu eegayaa  tahay hareeraha iyo inta kale ee kooxda ciyaartooyada ah.  Madaxwaynahii  hore ee  Maraykanka  Harry Truman ayaa waxaa la sheegaa in astaan hal hays u ahi miiskiisa hor saar naan jirtay taas oo hal kudhiga ku qornaa ahaa , “The buck stops here.”  Marka af soomali ahaan loo fasiro u dhigmaysa  “Arin oo dhan  halkan buu ku soo joogsadaa ” Waxa uu ahaa madaxwayne muujinyaa in uu hogaamiyo, masuuliyadeedana leeyahay.
 
Waxaa muhim ah in loo banbaxo in lala xisaabtamo cida xil ka haysa een laga aamusin, inagaa awooda iyo xilka u dhiibna kana aamusna, Waxaa ayaan darano qaranka ku ah in axsaabtii  mucaaradka iyo barlamaan/guurti  dheeliyi lahaa awooda dawladu maanta   hunguri  ka door bideen  oo manta halku dhigoodu  noqtay mucaaradad waxaba ku cuni maysid !  .  Mee haanankeenii  dumuquraadi , dastuur iyo hogaan kala xadaysan ?
 
Waxaad moodaa in la gaadhay xiligii Siilanyo si qoto dheer  hoos isagu eegi lahaa naftiisa suaalna iska waydiin lahaa in uu yahay ninkii ku saxnaa shaqadaa .Ceeb maaha  inuu isagu isku arki karo kaa se  waxa u haboon in inuu hal bayd ka soo tixraaco buugii  Mandela oo ahaa nin isku kalsoon fahansanaa in ay jiraan dad badan oo shaqdan madaxwaynenimo  kaga haboon  taas oo ah tii uu ku goaansaday inuu door qudha xilka joogo ,isaga oo marna aan isu  aqoonsan madaxwayne   una  baahan in la yidhaahdo .
 
Halka Siilanyana  dabo meermeeris ka yahay balantii hore u qaaday xiligi tartanka lagu jiray oo ahayd  in aanu hal door dhaafin taas oo ah mid uu manta dafirsan yahay  se waxa  qaranka u haboon inuu baydhkaa Mandela  soo maan guursho sidana inaga socdo se  waxaa ayaandaro  ah in dadka kuwooda daciifka ahi u jilicsan yihiin awooda iyo xilka .
 
Waxa ugu wayn ee ka soo ifbaxaday Isku shaandhayntisii dadkuna iska waydiineeyaan  waxay noqotay maxuu  isaga reebay isku shaandhaynta!
 
Faarax Colow Maxamed
Academia
 
Oslo , Norway