Suxufiyad Ka Hadashay Shir Ku Saabsan HIV/AIDS Oo ay Kaga Qeyb gashay Suudaan

Suxufiyad Ka Hadashay Shir Ku Saabsan HIV/AIDS Oo ay Kaga Qeyb gashay Suudaan

July 8th, 2013 

Hargeysa(SM):- Nafiisa Maxamuud Muuse oo ah Suxufiyad ka hawl-gasha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, oo toddobaadkan ka soo laabtay Shir lagu qabtay magaalada Khartum ee waddanka Sudan, isla markaana lagaga hadlayey Halista ka dhalan karta Cudur-dhaliyaha HIV oo marka dambena isu-beddela cudurka AIDS-ka, ayaa Saxaafadda Somaliland ugu baaqday inay Bulshadooda ka wacyigeliyaan siyaabaha looga badbaado, ilaalinta xuquuqda dadka la nool iyo waajibaadka saaran dadka HIV-ga la nool.

Nafiisa Maxamuud Muuse, oo waraysi siisay Shabakadda wararka ee Aftahannews.com, ayaa sheegtay inay Shirkaas ay ka qaybgaleen dhinaca Somaliland, iyada oo ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana Komishanka la-dagaallanka HIV/AIDS-ka ee Qaranka Somaliland-na u qaabbilsan dhinaca Warbaahinta, Masuuliyiin ka socda Ururka u dhaq-dhaqaaqa dadka HIV-ga la nool, Ururka Qareennada Somaliland iyo shaqsiyaad kale oo qaarkood HIV-ga la nool yihiin.

“Shirkaas magaalada Khartum ee Caasimadda dalka Sudan ka furmay 30-kii bishii June, lana soo xidhay 02-dii bishan Julay, waxaa ka qaybgalay Somaliland, Soomaaliya, Puntland, Jabuuti, Yemen, Sudan, Masar, Iran iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana soo qaban-qaabiyey UNAIDS, WHO iyo UNDP, waxa lagaga hadlayey sidii loo kordhin lahaa in dadka Cudur-dhaliyaha HIV la noolli u heli lahaayeen dawadda.” Sidaa ayey tidhi Nafiisa Maxamuud Muuse oo u warrantay Aftahannews.com markii ay ku soo laabatay Hargeysa.

Waxaanay Nafiisa oo hadalkeeda sii wadataa intaa ku dartay oo ay tidhi; “Waxa kale oo laga hadlayey Xuquuqda ay leeyihiin dadka Xanuunka la nool iyo sida ay waddammadaas uga socoto wacyigelinta ku saabsan sidii looga badbaadi lahaa HIV/AIDS. Waxa kale oo lagaga hadlay in la helo Xuquuqda ay dadka HIV-ga la nooli leeyihiin, in la joojiyo takoorka iyo fogaynta dadkaas lagu hayo, in la kordhiyo wacyigelinta dalalka shirka ka soo qaybgalay u sameeyaan Bulshooyinkooda sidii ay isaga ilaalin lahaayeen HIV/AIDS, loona dhawri lahaa dadka la nool.”

“Warbixinihii ay soo saareen ee ay shirka ku soo bandhigeen Hay’adaha Qaramada Midoobay, waxay ku sheegeen in dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba Warbaahinta labadaas dal, inay ku doonaan Lacag sidii dadka looga wacyigelin lahaa khatarta HIV/AIDS, taasoo ay sheegeen inay xannibtay in dadka la wacyiyigeliyo. Waxa kale oo Shirka laga soo jeediyey in Xeer lagu ilaaliyo dadka HIV-ga la nool la hirgeliyo, in qofka Xanuunka la nooli uu ilaaliyo xuquuqda dadka aan xanuunku gaadhin.” Sidaa ayey tidhi Nafiisa.

Nafiisa Maxamuud Muuse, waxa kale oo ay ka hadashay waddammada Xeerkaasi ka shaqeeyo iyo sida ay Warbaahinta dalalka Shirkaas kala soo qaybgalay uga qayb-qaataan wacyigelinta HIV/AIDS, waxaanay tidhi; “Waxa kale oo shirka lagaga hadlay Waddammada Xeerkaasi ka shaqeeyo, kuwa aanu ka shaqayn iyo sidii looga hirgelin lahaa. Waxa kale oo Shirkaas lagu soo bandhigay Flim ay Masaaridu sameeyeen oo muujinaya Gabadh HIV/AIDS ka qaadday Nin ay guursatay, kaasoo dadkii shirka ka soo qaybgalay saamayn ku yeeshay, isla markaana lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ay gabadhaasi martay, siday nolosheedu ku dambaysay iyo sida looga badbaadi karo, isla markaana loo ilaalin karo xuquuqda dadka la nool HIV iyo sida loogu baahan yahay inay dadka la nuul cudur-dhaliyaha HIV-gu u ilaaliyaan caafimaadka dadka ka badbaaday xanuunkaas.”

“Waxa Shirka lagu soo bandhigay in Warbaahinta dalalka kale ee shirka ka soo qaybgalay ka jira hadday tahay mid dawli ah iyo hadday tahay Saxaafadda madaxa-bannaanba ay uga qaybqaataan ka wacyigelinta dadweynaha dalalkooda HIV/AIDS-ka, kuwaasoo marka laga reebo Somaliland iyo Soomaaliya sheegay inay si lacag la’aan ah bulshooyinkooda uga wacyigeliyaan khatarta xanuunkaasi leeyahay, siyaabaha la isaga ilaalin karo iyo sida dadka la nool loo soo dhawayn lahaa, si aanay ugu dhaqaaqin falal cadawnimo ah oo ay ku fidinayaan cudurkaas.” Sidaa ayey tidhi Nafiisa Maxamuud Muuse.

Nafiisa waxa ay Warbaahinta Somaliland guud ahaan u soo jeedisay inay ka qayb-qaataan wacyigelinta HIV/AIDS ee loo baahan yahay inaynu sameyno, waxaanay tidhi; “Sidaa daraaddeed, waxaan ka codsanayaa Warbaahinta Somaliland mid dawli ah iyo mid madax-bannaan-ba inay ka qayb-qaataan inay Bulshadeenna ka wacyigeliyaan HIV/AIDS-ka sida Warbaahintaa Afrika iyo Caalamka kale-ba uga qayb-qaataan. Waxaanan u arkaa arrintaas inay tahay mid muhiim ah oo aynu ku badbaadin karno Bulshadeenna fayow iyo dadkeenna HIV/-ga la nool-ba, waana door muhiim ah oo ay tahay inaynu dhex-da u xidhanno badbaadinte ummaddeenna.”

Cudur-dhaliyaha HIV oo marka dambe isu-beddela AIDS, ayaa lagu kala qaadi karaa, Galmada, Dhiig la isu-shubo, Birta sida, Middida, Maqaska, Makiinadda, Irbadda caafimaad iyo waxyaabaha la midka ah ee inta qof HIV-ga la nool lagu qalay ama lagu muday, amaba lagu saray haddana intaanu dhiiggiisu qallalin ama aanu cudur-dhaliyuhu ka dhiman qof aan qabin xanuunka gaadha ama isagana muda iyo Hooyooyinka la nool ee xanuunka oo Carruurta ay caloosha ku sidaan ama nuujinayaan ayey Dhakhaatiirtu Aftahannews u xaqiijiyeen in boqolkiiba Afartan 40%, ay u gudbin karaan Carruurtooda.

Salaanmedia/Hargaysa