Wasiirkii Caafimaadka Dr Xuseen Xoog ayaaba la eryaye, haddii la eryay wasiirkii meeshiisu shaqaynaysay maxay tahay waxay soo kordhinayso isku shaandhayntu,

Wasiirkii Caafimaadka Dr Xuseen Xoog ayaaba la eryaye, haddii la eryay wasiirkii meeshiisu shaqaynaysay maxay tahay waxay soo kordhinayso isku shaandhayntu,

 index

Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Milatari ee Ururkii SNM ee dalka ka xoreeyay daallinkii Siyaad Barre ayaa sheegay in Somaliland ay marayso marxalad adag oo qarka u saran burbur, waxaanu tilmaamay in bulshada reer Somaliland ee ku kala dhaqan dalka uu xilligan soo food saartay kala qaybsanaan iyo khilaafyo ka taagan dalka gudihiisa, waxaanu intaa ku daray in xilligan loo baahan yahay in la mideeyo ummada, lana xaliyo khilaafyada iyo tabashooyinka beelaha ee dalka ka alkoosan. Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne ayaa sidoo kale isku shaandhayntii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku sameeyay dhawaan golihiisa wasiirada ku tilmamay mid aan dalka wax faa’iido ah u soo kordhinayn, naqdiyayna talaabadii xilka lagaga qaaday wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr Xuseen Xoog Mujaahid Ibraahim Dhagawayne ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey wargeyska Haatuf, kaas oo ugu horayn isagoo ka hadlaya xaalada uu dalku marayo waxa uu yidhi “Horta Isma Doorin Gaalkaan Diriyo Daarta Kii Galay, xaalada dalku meel adag ayay maraysaa iyo marxalad aad u xun, oo shacbigii Somaliland ay qaybsan yihiin, dalka iyo dadkuna maanta waxay u baahan yihiin isku gayn iyo in la mideeyo, maanta waxa kaliya ee loo baahan yahay in shacbiga la kala fogeeyay ee qaybsan laysku geeyo, lana mideeyo, waxaana muuqata in dalku maanta leeyahay indha xun ioy xaalad qarka u saran kala tag. 

 Haddii maxalada maanta dalku marayo iyo shacbiga qaybsan laysku keeni waayo waxa imanaysa xaalad aan la malayn Karin”Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Haddii la midayn waayo shacbiga ku dhaqan gobollada iyo deegaanada dalka oo dhan magaca Somaliland iyo qarankan wadaaga, Somaliland sedan kuma socon karayso, dalkuna xal qaran ayuu u baahan yahay” Isagoo ka hadlaya isku shaanshaynta Madaxweyne Siilaanyo dhawaanku sameeyay golihiisa wasiirada waxa uu yidhi “Isku shaanhayntan lagu sameeyay golaha wasiiradana wax macno ah oo ka soo kordhaya iyo wax dana oo dalka ugu jirtaa ma jirto, maxaa ka soo kordhaya? Masuulkii kaliyaata ee wasiiradasa wax ka qabtay ee shacbigu isku raacsan yahay waxqabadkiisa, oo ahaa wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Xoog ayaaba la eryaye, haddii la eryay wasiirkii meeshiisu shqaynaysay maxay tahay waxay soo kordhinayso isku shaandhayntu, xaalada wadankuna god madow iyo burbur ayay ku socotaa, xilkuna dawlada ayuu u yaalaa iyo waxay ka yeesho, xaalada adage ee taagan iyo siday u xaliso mushkiladaha iyo khilaafyada ka taagan dalka ama wax bay ka qaban tabashooyinka dalka yaala ama gacantaada ayuu dalkani ku dhiman waanay sii durkaysaa”.

 

 Wariye ;Cali  Dheere

Salaanmedia/Hargaysa