“Waxaa Inoogu danbaysay Cabudhinta Intaa Leeg Wakhtigii Siyaad Barre, Wakhtigaana Waynagii Ka Kacdoonay Waxaanay Muujinaysaa Inuu Wadanka Ka jirro Nidaam Kaligii Talis” Marwo Faaduma Siciid.

“Waxaa Inoogu danbaysay Cabudhinta Intaa Leeg Wakhtigii Siyaad Barre, Wakhtigaana Waynagii Ka Kacdoonay Waxaanay Muujinaysaa Inuu Wadanka Ka jirro Nidaam Kaligii Talis” Marwo Faaduma Siciid.

 

image

 

 

Hargeysa(SM)Marwa Faaduma Siciid Ibraahin Gudoomiyaha Ururka Udxa Kana Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Ayaa Ka Hadashay Xadhiga Suxufiyinta Wargeysa Hubaal Iyo Xukunka Lagu Riday  Waxaanay Sheegtay Inay Cabudhintani Tahay Waxii Ay Snm Ku Bilaabatay Sidoo Kale Waxaa Ay Sheegtay Cabudhinta Saxaafada Ee Intaa Leeg Inay Inoogu Danbaysay Xiligii Siyaad Barre Madaxweynahii Hore Somaliya.

 

 

 

Waxaana Ay Sheegtay Faaduma Siciid Inay Arimahan Lagu Cabudhinaayom  Saxaafada  Xorta Ah Ay Dhaawax Weyn U Gaysanayso Nidaamka Dimuquraadiyada Ee Ay Somaliland Ku Caana Maashay Isla Markaana Ay Talaabooyinkaasi Muujinayso Inuu Wadankun Kajiro Nidaam Kaligii Talis Ah.

 

Waxaanay Faaduma Siciid Farriin U Dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyada  Somaliland Oo Ay Ugu Baaqday Dalka Inay Maanta Ka Jiraan Arrimo Badan Oo U Baahan In Waxlaga Qabto Balse Aan Lagu Mar Marsiyoon Hadal Yar Oo Ay Saxaafadi Tidhi.

Salaanmedia/Hargaysa