Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta qabteen ku Canbaareeyay tacadiyo ay sheegeen in Ciidanka Bileysku ku hayaan dadka danyarta ee ku ganacsada suuqa Waaheen

waddani

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta qabteen ku Canbaareeyay tacadiyo ay sheegeen in Ciidanka Bileysku ku hayaan dadka danyarta ee ku ganacsada suuqa Waaheen

Eng:C/Rashiid Maxamuud Cali oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxaa uu yidhi“Waxa aanu Shirkan jaraa’id u qabanay maanta in aanu kaga hadalo dhibaato iyo tacadi runtii ka dhacday Suuqa Waaheen oo Ciidanka Bileysku ay ka fuleeyeen dhibaato aan runtii loo dulqaadan karin umadan iyo shacabkan Masaakiinta ah ee Bisha barakaysan ee ramadaanta ku jira,marka waxa aanu leenahay runtii arintaasi waa mid aanu ka Xunahay ka Xisbi Wadani ahaan”

“Waxa kale oo aanu halkan baaq uga dirayna Wasiirka Cusub ee Arimaha Guddaha Md. Cali Waran-cade oo isagu hore ugu baaqay in uu Askarta iyo shicibka saaxiib ka dhigi doono,waxa aanu leenahay Wasiir arintu way ka sii dartayba oo halka Saaxiibtinimo jirta ma muuqato”

Waxa kale oo isna Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Maxamed Xasan Dirir oo ah Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani waxaanu dhiniciisa naqdiyay dhibaato uu sheegay in dadka dan yarta ah ay ku hayaan Ciidamada Bileysku“Waxa aanu halkan kaga hadlayna tacadi ay Ciidamada Bileysku ku hayaan dadka dan yarta ah ee Suuqa waaheen ku ganacsada,hadaba waxa aanu Xukuumadda ugu baaqayna in ay wax ka qabato tacadiyadda lagu hayo dadka dan yarta ah ee ku ganacsada Suuqa weyn ee Waaheen,waxaa ayaan daro ah in wax la yeelo hooyooyin soomana oo masaakiin ah ”

 

Salaanmedia/Hargaysa