Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Go’aankii Hayada MSF Ay Ku Xidhay Xarumihii Ay Ku Lahaayeen Somaliya

Aug 14,2013 Muqdisho(SM) Dawlada Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii ay Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn MSF ay maanta ku xirtay dhammaan hawlihii gargaarka ee ay ka waday Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka xun tahay go’aanka ay qaadatay hay’adda MSF ee ay maanta kaga dhawaaqday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa ugu baaqay in hay’adda MSF ay ka laabato go’aankeeda ay ku xirtay xarumihii ay dadka Soomaaliyeed ku caawin jirtay ee gudaha Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabadan ay qaadatay hay’adda uu ku tilmaamay mid u adeegeysa kooxda Al Shabaab oo rabtay buu yiri inay carqaladeyso gargaarka bani’aadanimo.

Dawlada waxay ka codsatay MSF inay dib u eegto go’aankeea oo aysan ku deg degin xiritaanka xarumaa ay dadka tabaaleysan ku caawin jirtay.

Hadalka baaqa ah ee ay dawlada Soomaaliya soo saartay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maanta hay’adda MSF ninka ugu sarreeya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi.

MSF waxay u cuskatay in amaanka shaqaaleheeda la dhowri waayeey oo qaarna la qafaashay, qaarna la dilay.

MSF waxay sheegtay in maamulada dalka ka jira iyo dawlada Soomaaliya aysan waxba ka qaban afduubyada loo geysto shaqaalaha gargaarka, iyadoo dhowaan la siidaayey labo haween ah oo mudo ka badan sanad lagu haystay gudaha Soomaaliya.

 

Salaanmedia Muqdisho Office