Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo ka Hadlay Kulamo ay Hargeysa Kula Yeesheen Wafti ka socda Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamka

geelleHargeysa: 12-Aug-2013 (SM)Af-hayeenka Guddida Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle)ayaa ka warbixiyey  kulan ay maanta la yeesheen wafti ka socda Qaadhaan-bixiyayaasha caalamka oo  Somaliland ka taageeri doona Diiwaan-gelinta mawaadiniinta  oo lagu talo jiro inay dalka ka qabsoonto.

Af-hayeenka oo maanta u warramayey Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Somaliga, ayaa ugu horrayn sheegay inay khubarada ka socotay qaadhaan-bixiyayaasha, ka wada hadleen sidii dalka looga hirgelin lahaa diiwaan-gelin  casri ah oo laga baaraan degay, waxana uu  yidhi, “Wafti ka socda Qaadhaan-bixiyayaasha ayaa nala jooga wayna noo heelan yihiin, wayna arkayaan dhibaatada ay keenayso diiwaan-gelin la’aantu, khubaradiina waynala joogaan, waana in kharashkii la doono, dawladuna ay qaybteedii bixiso, markaa  sida ugu dhakhsaha badan in loo galo ayey u baahan tahay laakiin waxa ay u baahan tahay ka fiirsasho badan oo qalabkii hore ee lagu galay in mid ka duwan oo ka casrisan la keeno, waana aanu ku rajo weynahay inay xilligii loogu talo galay  noogu qabsoonto.”

Sidoo kale waxa uu Geelle ka hadlay sababta keentay in laga guuro Diiwaan-gelintii 2008-dii dalka ka dhacday oo uu sheegay inay dhibaatooyin badani ka  yimaadeen, waxana sidoo kale Af-hayeenku  sheegay inay Diiwaan-gelin la’aantu dalka dhibaato badan gelisay, waxana uu yidhi, “Diiwaan-gelintii dhacday 2008-dii muran badan baa ka taagnaa, doorashadii madaxweynahana waa aynu ku galnay, wakhti badanina waa ka soo wareegay oo dad badan baa qaan-gaadhay, dad badan oo farahoodii aanay soo bixinina waa jireen, Markaa iyada dib looma isticmaali karayn. Doorashadii ugu dambaysayna waynakii ku galnay diiwaan-gelin la’aanta dhibaatadii ay keentayna waa laga wada dheregsan yahay, doorkana waxa la isku raacay inaan diiwaangelin la’aan dambe doorasho lagu gelin.”

Waxa jira khubaro caalami ah oo ka socota Qaadhaan-bixiyayaasha dunida, kuwaas oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Hargeysa iyagoo kulamo kala gooni gooni ah la qaadanayey Guddida Doorashooyinka, waxana sidoo kale lagu wadaa inay kulamo kale la yeeshaan xukuumadda  iyo Axsaabta qaranka.

Salaanmedia/Hargaysa