Baaq Ku Socoda Wasarada Waxbarashada iyo Hayadaha La Shaqeeya oo ay Soo direen Dadka Dega Deegaanka Axmed liigta

Baaq Ku Socoda Wasarada Waxbarashada iyo Hayadaha La Shaqeeya oo ay Soo direen Dadka Dega Deegaanka Axmed liigta

 

BAAQ KU SOCDA WASAARADA WAXBARASHADA IYO HAAYADAHA LA SHAQEEYA OO AY SOO  DIREEN DADKA DEGA DEGAANKA AXMED LIIGTA. W/Q: Farhan Mohamed Hassan (rakad)

rakad

Runtii qofkasta oo wax bartay ama maskax lehi ama jecel dadka waxbarta wuu naxayaa hadduu arko iskuulkasi siduu u eeg yahay oo waxa saqafkii sare ka qaaday dabaylo iyo roobab kaas oo aan ilaa hada aan  la hayn cid u  gurmata………………………………………………………………………………….

 

 

 

Bismillaahi raxmaani raxiim ilaahay baa  leh ina siiyay awooda aynu wax ku qorayno , ina siiyay awooda aynu wax ku akhrinayno ,ina siiyayna maskaxda aynu ku kala garanayno xumaha iyo samaha ………

waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

 

Dadka ku nool deeganka axmed liiga (bali cabane ) ayaa  baaq qaylo dhaan ah u diraya dhamaan wasaarada waxbarashada iyo dhamaan haayadaha la shaqeeya  iyo cidkasta oo jecel waxqabadka iskuulada  ama taagerta waxbarashada .

Mar aan safar shaqo ku mariyay deegan ka mida deegaankaas ayaa  waxaan la kulmay dad kamida deegaanka axmed liigta dadkaas oo ka cabanayay iskuulkii ay caruurtu wax ka baranaysay oo  dumay kaas  oo ilaa mudo afar bilood ka badan aan waxba lagu dhigan imikana ay caruurtu geed hoostii wax ku bartaan .

 Sida uu iskuulku u burburay waa mid u  baahan dib u dhis deg-dega

 

Runtii qofkasta oo wax bartay ama maskax lehi wuu naxayaa hadduu arko iskuulkasi siduu u eeg yahay oo waxa saqafkii sare ka qaaday dabaylo iyo roobab kaas oo aan ilaa hada aan  la hayn cid u  gurmata.

Dadka deegaankaas degani waxay jawaab  ka sugayeen wasiirka waxbarashada oo  ogayd xaalkiisa kaas oo ay ogaayeen inay tahay wasiir wax qabad leh.waxaanay dadkaasi  iraahdeen noo xusuusi way na ilawdaya ee kama aha wax qabad la,aan .

Runtii waxaa kaloo baaq kale aan anigu naf ahaan tayda baaq u dirayaa dhamaan cidkasta  oo jecel inay dadka reer somaliland  wax bartaan. Inay ilaahay dartii iskuulkaas wax uga qabtaan iyagoo la xiriiraya dhamaan maamulka degmadaasi.

Waxaana wanaagsan inaynu wixii inaga xun aynu hagaajisano oo aynaan cidna waxbaka  sugin waliba iskuulkaas hagaajintiisa laga sugayo dadka deegaankaas ka soo jeeda ee ku nool qurbaha iyo dalkaba.

 Dadka deegaankaas axmed liigta dega waxa kale oo ay sheegeen in ay iyagu iskuulkaas dhisteen oo  ay u baahan yihiin qalabkii iskuulka iyo dhamaan buugaagta kala duwan ee arday u baahan yahay. Takale ma jirto dadkaas cid ka caawisay dhisidiisan. Dadkaasi maanta  ayay u baahan yihiin in la caawiyo oo iskuulkaas loo dhiso iyagoo ka sugaya cidkasta oo awood u leh inay u dhisto iskuulkaas runtiii qofkasta oo soo maray iskuul wuu dareemayaa dhibta intaa lee gee ay caruurtaasi la kulantay intii uu iskuulkaasi xumaa.  Kuwaas oo intaaba geed hoostii wax ku baranayaan iyagoo aynu ognay dhamaan dabaylaha ka socda miyiga iyo  cidlada caruurtu ay wax ku baranayaan.

 

Waxaan intaas ku soo koobayaa in loo gurmado deegankaas iskuulka ku yaal dadkasi waxay ad iila soo dardaarmeen inaaan u xusuusiyo dawladii iyo dadkii jeclaa waxbarashada.

 

 

Sidaad u jeceshay inay caruurtaadu hesho waxbarasho dhamaysa ula jeclaw dadkaaga dhibaataysan

U gargaar waxbarashada

Horumari waxbarashada dalkaaga meelkasta oo aad joogto

Caawi walalkaga dhibaataysan ee ay hayso iskuul la,aantu.

 

Information about author

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 2522063–4400319

 Hargeisa

 Social activist

 Thank you all

  Post number:  RP38

ALLAA………………………  MAHAD……………………………… LEH……………………………………