Beesha Makaahil Isaaq oo taageertay 16kii qodob ee golaha wada tashiga iyo baaqii aqoonyahanka somaliland

Beesha makaahil isaaq oo taageertay 16kii qodob ee golaha wada tashiga iyo baaqii aqoonyahanka somaliland

Anagoo ah aqoonyahanka,waxgaradka,cuqaasha, qurbo jooga iyo dhalinyarada beesha makaahiil isaaq waxaanu taageersanahay 16kii qodob ee ay soo saareen golaha wada tashiga iyo toosinta iyo weliba baaqii aqoon yahanka Somaliland soo sareen.

Markaanu derisnay xaalada dalka marayo ee uu musuqmaasuqu baahay, shaqo la’aantii oo badatay iyadoo intii yarayd ee la hayey qabyaad lagu qaybsado, dhalinyaradii dalka oo rajo la’aani ku dhacday oo tahriib miciinsaday, qabyaaladii oo xoogaysatay, cadaaladii iyo garsoorkii oo aan waxba laga qaban, sicirbararkii oo sii kordhay keenayna meeshadii oo qaaliyawday, waxbarashadii dugsiyada hoose dhexe iyo tii jaamacadaha oo tayadeedii xumaatay, amnigii gudaha oo dabacsanaani ka muuqato, siyaasadii arimaha dibada oo fadhiid noqotay.

Hadaba iyada oo beesha makaahiil ka dam qanayso sida aan wax looga qaban dhibaatooyinkaa aan soo sheegnay , iyada oo lexejeclo ka qabta Jiritaanka Somaliland iyo in dadku uu kuwada noolaado Cadaalad, Sinaan iyo wax wada qaybsi ku dhisan dheeli tir dawladnimo waxa ay si buuxda u taageeraysaa Golaha wada tashiga iyo toosint Somaliland ee lagaga dhawaaqay Magaaladda Hargeysa Dhowaan,iyo baaqii aqoonyahanka somaliland, Golahaasi oo ay sameeyeen ragii Somaliland Magaca iyo Milgahaba ugu mudnaa ee qarankan usoo halgamay, kuwaasi oo ka dam qaday maanta sidaa ay wax u sii socdaan in Somaliland ay meel xun ku dhici doonto Mustaqbalka.

Waxaanu ugu baaqaynaa dawlada in ay wax ka qabato si aynu u gaadhno himilada uu qarankani higsanayo maadaama taloda qarankani aanay cid gaar ah lahayn oo ay ina wada qusayso.

Wabilahi tawfiiq

Magacyada

C/qaadir Maxamed Mire
Maxamed Ibrahim C/lahi Saylici
Garyaqaan Maxamed Warsame
Prosefor Maxamed C/lahi Diriye
Kayse c/lahe (kayse wale)
Cabdi Jamac Xasan
Xaamud Ibrahim
Ahmed Cawil Ahmed
Maxamed Cabdi
C/naasir Ahmed Ibrahim
abwaan c/risaaq Maxamed C/laho

baaq