Daawo Sawiro..in ka badan 90 qof oo lagu diley Masar

Qaahira (SM) Ciidamada ayaa saaka cagta mariyey fagaaraha Nahda ee deegaanka Giza una dhaw Jaamacada Qaahira oo halkaasi oo ay isku aruursadeen taageerayaasha ikhwaan muslimiinka ee kasoo horjeeda afgembiga militari ee xilka looga tuuray Madaxweynihii la doortay Maxamed Morsi.

Dad badan ayaa ku dhintay hawlagaladan sida ay sheegayaan wararka soo baxaya qaarkood, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen hawlgalka ciidamada ka sameeyeen fagaaraha Nahda, waxaana weli la xaqiijin tirada khasaaraha oo dhameystiran.

Taageerayaasha Ikhwaan Muslimiinka ayaa sadex goobood ku sugnaa, fagaaraha Nahda nawaaxiga Jaamacada Qaahira iyo fagaaraha Rabaa al cadawiya ee xaafada Nasr City.

Taageerayaasha ayaa Ikhwaanka ayaa weli ku sugan fagaaraha Nasr city halkaasi oo hada lagu soo waramayaa in ciidamada ay rasaas ku furayaan dadka ku sugan fagaaraha Nasr City oo ah halka ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee banaanbaxaya dhigaya.

Waxaa isla saaka ka bilowday magaalooyinka kale ee dalka Masar sida Alexanderiya mudaharaadyadaasi oo looga soo horjeedo hawlgalka ay militariga iyo ciidamada hada ka bilaabeen goobaha ay ku sugan yihiin dadka taageersan ikhwaan muslimiinka ee magaalada Qaahira.

1 2 34 56 7

 

Salaanmedia/Mogdisho