DIB U MILICSI MAANSOOYINKII AAN SAMEEYEY!!!

download (2)
Aad baan idiin sallaamayaa bahdiina warbaahinta xorta ah salaan ka dib waxaan idinka codsanayaa in aa fursad ii siisaan inaan soo gudbiyo maansooyin aan xili hore sameeyey waxa kale oo aan idiinka marti ahay inaydaan ku ladhin magacayga naanays  sida abwaan ama hal abuur iyo wixii la mid ah waa mahadsantiin
 
waxaan is ku deyeyaa hadii rabi ii saamaxo in aan ku sameeyo dib u xasuusasho bal intaan ka xasuusto
maansooyin iyo gabayo aan sameeyey xiliyadii lagu jirey dib u xorayntii dalkan sii socda ee somali land
iyo sidoo kale Qaar aan iyana sameeyey intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee soo maray somali land
hadaba iyadoo aanay ceeb ahayn in la xuso taariikhda laakiin aanay dadkeenu jeclayn xusidda taarikhda
balse ay taa bedelkeeda ka door bidaan oo ka jecelyihiin ka been sheega taariikhda iyo ku murankeeda 
arrintaas oo ku salaysan ama ka turjumaysa dhaqankaii hore ee soomaalida guud ahaanba ee ku qotomey
qoraal la,aanta waxaan idiin soo gudbin doonaa taxane ku saabsan arrintaa waxaana ugu horayn doonta 
 
 
maansadan oo mageceeda la yidhaahdo LIXLE oo aan ugu baroor diqayey mijaahid LIXLE illaahay ha u 
naxariistee kuna boogaadinayey qoomiyadda ciisaha ee degta somali land oo xiligaas ku soo biirtay halgankii
 hubaysnaa ee ay wadeen xoogagii  S N M maansada waxaan sameeyey sannadkii 1989 kii bishii may shanteedii
 5/51989 oo ku beegnayd 29 bishii ramadaan waxaanay ku bilaabatay sidan ee akhri wanaagsan
 
labaatan bishay tageen
sagal ku lamaan ihiin
habeen kii leylul qaderka
 
anoo laamadood hurdo,a
legtedoo nafta sexo idhi
ayaan tixdan laylida, a 
lixle u faray laydh qaboow
 
waxaan idhi laydhaneey
laxaadka illaahaybaan 
lix jeer kugu dhaariyee
 
ha liidsane qaad tixdoo
amaanada lama lunshee
ha liigine sii adkee
 
lixloowdhe lixloow lixloowdhe 
adaa janno ladan hurdoo
hablii xuural caynta iyo
haween kula loolayoo
hortaada ku soo legdoo
kitaab malag kuu laqimay
kor ugu luuqaynayoo 
cibaado ku lasimee
 
aduunkii laguma ledo dhe
luriyo hawli kama dhamaandhe
dameerkii laad rarkii dhe
hurri liidnimadii diid dhe
sidii baan loogu lulan dhe
ragbaa kibirkii ku lumay dhe
 
lixloow dhe lixloow lixloowdhe
dhurwaagii cumar lugyare
xidhkaa laaleys ku jirey
carruurta ku laasan jirey
 
haduu laayaan ahaa
intuu haybe laambad galay
lixloow liqi waa laftii dhe
lix jeer buu soo tufoo
baquu liqinyoonayaa dhe
ragbaa lalabii u kacaydhe
lugooyo ninkii tashiyo ninkii
liitaba la barey dhe
 
lixloow dhe lixloow lixloowdhe
libuu eebe ina siiyee
lamaane kolkuu is raacay
wallaalkaa kugu laboobey
miyaan subag dhacay la leefin?
miyaan wakhti lumay la doonin?
miyaan nin ladnaaba iilan?
 
lixloowdhe lixloow lixloowdhe
libuu eebe ina siiyee illaa lughaya iyo saylac
raggaa leexada ka kiciyey
raggaa durba lulay jabuti 
aduunka u daaray laydhka
waxaan dhigay laba jibaarey
libtooda la hadhay dhankooda
laxaadkii ciise weeye
 
lixloowdhe lixloow lixloowdhe
libuu eebe ina siiyee 
ninkii laasimey dhacaaga
ninkii kuu laba dibleeyey
lamaane kolkuu is raacay 
wallaalkaa kugu laboobey
inuu kaa liito maanta
lixloow ma ogtahay 
wakhtiga dhe
 
lixloowdhe lixloow lixloowdhe
lamaane kolkuu is raacay
wallaalkaa kugu laboobey
miyaan cadaw laga libaysan?
 
miyaan lixdan dhaawacooda
lixloow leer lagu daweynin?
miyaanay hubka dhigin lix boqil dhe
 
lixloowdhe lixloow lixloowdhe
libuu eebe ina siiyee
laftii weli waa i jabantee
inaan ka ladnaaday
kaarkii lixloow ma ogtahay 
wakhtiga dhe
 
XUSEEN XIRSI CAAMIR CALI