Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

FUDUDAA SALLAADIINTU MA SAANBUUSII BAA BISLLAADAY?

maqaal

SIDEEDABA WAA  WAX CAALMAKA OO DHAN KA CAADI AH OO KA DHACDA IN HADII MEEL UU KHILAAF KA DHASHO  OO AY IS KHILAAFAAN  INTA AY UGU YARTAHAY LABA QOF UGUNA WENTAHAY LABA DAWLADOOD LAHELO CID DHEX GASHA HA NOQOTO CID SIFE DOORASHO AH KU TIMAADA OO DHEX LOO SAARO OO LABADA DHINAC  KU KALSOON YIHIIN KANA MADAX BANAAN AMA HA NOQOTO CID IYADU ISKEED ISU XILQAANAY OO AAN KALSOONI HORE KA HAYSANIN DHINACYADA  IS HAYA LAAKIIN GOLE KA FUUL AH IYO HAAD QADIYE MARKAY HAWSHA BILLAABANA KA DOONTA OO WEYDIISTA  DHINACYADA MURANKU DHEX YAALLO  KALSOONI SI AY U HAWL GALAAN WAXAN U GO, AAMIN KARAAN KALSOONI DAASUNA WAA IN AY LEEDAHAY TIIRAR IYO QAWAACID AAD U AD ADAG WAANA IN AY GUDIDAASU LEEDAHAY AWOOD FULINEED OO AY KU MUQUUNIYAAN CIDII KA HOR TIMAADA GO,AAMADOODA HADII KALE WAA HAL BACAAD LAGU LISAY WAXA AY SOO SAARAAN DHINACA KALE GUDIDAASU WAXA KELIYA EE AY U BAAHANTAHAY LOOGANA BAAHAN YAHAY WAA CADDAALLAD IYO DHEX DHEXAAD NIMO TAASNA WAXA INA FARAAYA  RABIGEEN OO YIDHI SIDAN

وَإِن طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا ۖ فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الْأُخْرَىٰ فَقَاتِلُوا الَّتِي

تَبْغِي حَتَّىٰ تَفِيءَ إِلَىٰ أَمْرِ اللَّهِ ۚ فَإِن فَاءَتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا ۖ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ

HADABA SIDA AYNU LAWADA SOCONO ILAA MAALINTII BISHAN BARAKAYSAN EE RAMADAAN AY KOW AHAYD  WAXA KA SOCDEY  SL HADAL HAYN GUDIDA  LAGAGA DDHAWAAQAY SHICIBKUNA WAXAY U BADNAAYEEN XAALAD JAHA WAREE AH IYO SU,AALO BADAN OO IA IS WEYDAARSANAYO DHINACA DAWLADA IYADU WAXAY KU MINTIDAY  KELMEDDA GOLUHU WAA SHARCI DARRO OO DISTOR KU MA OGOLA LAAKIIN MARNA LAMA HELIN CAQLI YIDHAAHDA  HADII LA BIXISTA MAGAC U YAALKA GOLE AANU DISTORKA DALKU OGOLAYN IN LALA BAXO  MUXUU KA QABAA 16KAN QADOB EE RAGANI SOO JEEDIYEEN WAA DISTOORKA E DAWLLADASE MALA DHALIILI KARAA OO SI MADAX BANAAN IYADOO AAN LAGA MID AHAYN LABADA GOLE IYO LABADA XISBI EE DALKA KA JIRA MIDNA INTA LA IS ABAABULO MALOO SHEEGI KARAA WAXA KA QALDAN DAWLADEENA,

 

HADABA IYADOO AY ARRIMAHAASU WADA CEEDHIN YIHIIN OO AYNAAN KU DHAADHICIN BAL AYNU EEGNO HABKA AY KU YIMAADEEN SALAADIINTAN ISKU DEYEY DHEX DHEXAADINTA IYO IYAGA LAFTOODA IN AY WAX KA QALDAN  YIHIIN  IYO  IN  AY  SAX  YIHIIN  ARRINTAAS OO AH MUCDA AAN U SOCDO

 

SIDA AYNU KA DHEREGSANAHAY EE AYNU KALA WADA SOCONO WARBAAHINTA DAWLADU ILLAA MAALINTII LAGU DHAWAAQAY GOLAHAN WAXAY ADEEGSANEYSEY  OO CANBAREYNAYEY GOLAHAN SALAADIIN  CUQAAL ODAYAAL DHAQAMEEDYO IYO WELIBA ASHKHAAS KU HADLAYEY  AF QABIIL KUWAAS  AYUUNBAY SALAADIINTAN  GUDIDA AH BADAN KOODUNA KA MID AHAAYEEN IYADOO TAASU JIRTEY AYAA WELIBA HADANA XUKUUMADU U QABATAY SHIR  GUUD OO AY INTII BADNAYD KU KULMEEN SALAADIINTII DALKU IYADOO XUKUUMADU DOONEYSEY KOL HADII REER REER IYO KOOX KOOX LOO CANBAAREEYEY OO AY HANTIDAY  INTII BADNAYD MADAX DHAQAMEED KII  UMMADA IN HADA JAANISKA UGU MUHIIMSAN EE U BANAANI UU YAHAY IN LA HELO CANBAARAYN WADAREED AY U DHANYIHIIN  SALAADIINTA OO DHAMI HALKAANA  WAXA  KA  DHALATAY  IN  AY ISTUSEEN SALAADIINTII BAL IN RAGAN LA  ARKO OO LA WEYDIIYO WAXA AY KA HADLAYAAN SIDAANA UU KU SAMAYSMAY GUDIDA  ISKU MAGACAABAY DHEXDA EE SALAADIINTA AHI WELIBA IYADOO AANAY XUKUUMADU KU FARXIN ARRINKAAS HADABA  

 SU,AASHA MAANTA INA HORTAALAA WAXA WEEYE

GUDIDAN  IYADA  LAFTEEDU  IS  MAGACAWDAY  EE  SALAADIINTU  MA  U WADAAN  WAX SIDII SAXA AHAYD?  : JAWAABTA CAAFIMAADKA QABTAA WAA  MAYA  SABABO BADAN AWGOOD OO AY U ORRAYSO  SALAADIINTA KOLKII  HOREBA  WAXA  SOO  KAAKICISAY  XUKUUMADDA DADWEYNUHUNA UMUU IGMANIN IN AY DHEX DHEXAADIYAAN LABADAA QOLO  EE MURMAY OO WAX GARADKA BEELAHA AY SALAADIINTA U YIHIIN MAY DIRIN, IYAGA  LAFTOODUNA MAAHA GOLE  AMA  URUR   AMA  AWOOD  DALKA KA  JIRTA OO MAANTA KA HOR MUU DHICIN KULAN  SALLAADIINEED INTA  AY LABADA QOLO EE IS HAYAA  IS  KANSAN WAAYEENA  ISULAMAY TEGIN OO MAY ODHAN NOO GAR QAADA ARIMAHAAS OO JIRA AYAA HADANA WAXA LA YAAB NOQOTAY OO UMMADII LIQI  KARI  WEYDEY  SALLAADIINTII OO TIDHIGWT WAY NOO QABSOOMI WAAYEEN TAASUNA WAA

WAX RUNTII AD LOOGA NAXO WAAYO XATAA HADII AY QOLADAN GWT YARA GAWS ADAYGAAN WAXA KU HABOONAYD KOOXDAN  SALAADIINTA  AH  INAANAY  MARKIIBA  BADKA SOO  DHIGIN REJO XUMAAN IYO QUUS  WAAYO  HADII AY DAACAD YIHIIN  OO AY RUN KA TAHAY HAWSHAN AY U KECEEN WAXA JIRA MEELO KALE OO BADAN OO AY KA WAREEGI LAHAAYEEN OO IYAGAAN MEDIA IMANIN DAWADA KA RAADIN LAHAAYEEN OO DEE DALKU WAXA UU LEEYAHAY AQOON YAHANO  GARYAQAANO CULIMO ODAYAAL DHAQAN OO AAD LOO MAQLO IYO  HAY,ADO BADAN OO LIXIJECLO TAAM AH U HAYA DALKAN WAXAY AHAYD IN AY KUWAAS  IYO  URURADA BULSHADA  SOO DHEX DHIGAAN  OO  TUSAAN SIDA  WAX U SOCDAAN LAAKIIN MAANTA WAXAY U MUUQATAA IN AY GAADHEEN HALKII LA YIDHI MARKAA GAADHAAN KASOO LAABTA SOMAALIDUNA  WAXAY KU MAAH MAAHDAA

 NIN MARKHAATI BEEN AH  KUU FURAY DANTAADIINA KU FUSHATEY WAXA UU YAHAYNA OGAATEY  BAL ADBA EEGOO HADAY YIDHAAHDEEN WAXAANU KU NOQONAYNAA  SALAADIINTII  NASOO   DIRTAY HADAY YIDHAAHDEEN ILLAA IIDA ARRINKAA WAANU HAKINAY MIYAY HABOONAYD  IN AY KU DHAWAAQAAN WAXA NA DIIDDEY QOLADIIGWT  RUNTII WAXAAD HALKAA KA ARKAYSAA IN AY AWELBA SIDAA KU TALO QABEEN INAY YIDHAAHDAAN WAXAAN XASUUSTAY ILLAAHAY HA U NAXARIISTEE MAXAMED X  IBRAAHIM CIGAAL WAXA UU YIDHI MAALIN MAALMAHA KA MID AHAYD ALLA MAXAAN DADYAW IDIN AQAANAA  MIJIN JAAD AH BAA IDINKU FILAN  MAANTANA UMMADDII WAXA KU FILLAATAY TVGA  AYAAN KA HADLAY IYO WAX KASII LIITA

HADABA AAN SOO URURIYO MAQAALKAN AAN CADHO QORAY EE WAXAAN USOO LAABANAYAA SHACAB WEYNAHA REER SL  AAYADDAA KA MIDKA AH QUR,AAN KEENA KARIIMKA AH EE HALKAN AAN KUSOO QAATAY INAGAY  INA  KHUSAYSAA WAXA LAGA HADLAYAANA AMA LAYSKU HASTAANA WAA JIRITAAN KEENII KALA GARNA MAYNO KOODA RUN SHEEGAYA IYO  KA BEEN SHEEGAYA EE WAX XADAYA DHEGO WEYNE IYO SIILAANYONA WAA  LABA NIN OO AAD ISU YAQAANA OO ISKA KEEN OG WAXAAN KA WADAA MAANTA IYO MAALIN WALBA HADABA INAGU  AAN DHEX GALO OO SIDAYNU U DHEX GALLAA  WAXAYNU QAADANAYNAA AAYADDAN RABI INOO SOO DEJIYEY IYO AAYADO KALE OO BADAN OO LA MID AH EE KOLKA HORE AAN FAHANNO  MAXAA LAYSKU HAYAA  WAX WALIBA WAXA AY LEEYIHIIN  ASAL IYO FARAC LAGU MIISAAMO ASALKA REER SL WAA ILLAALINTA GOBANIMADA IYO JIRITAANKA QARAN NIMADEENA HADII TAAS MADMADAW KU JIRO OO AYNU KA DAREENO DAWLADAANA OO GWT  AY ARINTAA KA HADLAYAAN OO CADAYN INOO KEENAAN KA MUG WEYN SHAKIGA AYNU KA WADA QABNO SIYAASADDA ARRIMAHA DEBEDA EE DAWLADA,  AAN SI CAD UGU SHEEGNO DAWLADA OO NIDHAAHNO WAXAANU TAAGEERSANAHAY GWT OO NAGA  WAKIIL  AH  OO  KUGU ILLAALINAYA   IN AANAD XAYDAANKA MADAX BANAANIDA IYO JIRITANKA QARAN NIMADA  DHAAWAC U GEYSAN GWTAAN  BALAADINO OO DHISNO IYAGOO  U TAAGAN ILLAALINTA QARAN NIMADA, HADII LAYSKU HAYO FARCIYAAD KANA SIDA MANSAB DOON , KALA  RIIXSHO MADAX NIMO, QABIIL  WAX U DOON, IYO URURADII HADHAY OO  WAX U DOONAYA HAB KALE OO CASRI AH QOLADANWGT  DA WAA IN LA QABTAA

HADABA SI ARRIMAAHAASU U FULLAAN  WAA IN  LA  HELLAA CID ILLAAHAYNA KA CABSANAYSA DAACADNA AH WAANA IN  CIRRIDKAAN ARKAYO ILKO KAMASOO QEEDAANE ARINTA LAGA DHEX QAADO QOLLADAN SHEEGAY IN  AY  DHEXDA YIHIIN  EE AAN KU SIFOOBIN HABKA DHE DHEXAAD NIMADA EE SALAADIINTA SHEEGANAYA

DALKANA  WAA INAY U KACAAN AQOON YAHAN KIISU GUDO IYO DEBED MEELKASTA HA JOOGAANE OO LA ABAABULAA  ILLAALINTA  QARAN NIMADA IYO MADAX BANAANIDA DALKAN WAXAYNU OGNAHAY IN GODALOOLOOYIN  BADAN OO DAWLADA KA MUUQDAA AY JIRAAN SIDA  HESHIISKA HAWADA OO UMMADUBA LA YAABNTAHAY

 MIDAYNTA ISGAADHSIINTA OO INTA UU AGAASIMAHA ISGAADHSIINTU XAMAR TEGEY OO KA QAYB GALAY DOODII  XEER HOOSAADKA ISGAADHSIINTA EE DISTOORKA XAMAR UU INOO SOO QAADAY 063 OO AAN ILLAA HADA CIDI KA HADLIN

BADDEENII OO MAANTA SHIRKADO HESHIIS LAGULA GALAYO

WASAARADII TACLIINTA OO DHAMAANTEED XAMAR SI TOOS AH U HOOS TAGTAY

HESHIISYADA DAWLADU SOO GASHO OO AAN LA  HOR  GEYNIN AQALKA  WAKIILLADA EE HAWL GABKA AH OO AANAY WAXBA KAL SOCONIN  S

 SHIRAR AN MUNAASIB INAGU AHAYN OO MADAX DEENU KA QAYB GALAAN

WAX YAABAHAAS OO DHAMI WAA KHALADAD JIRA LAAKIIN TOOSIN U BAAHAN IYO KA DABA TAG

WABILLAAHI TAWFIIQ

XUSEEN XIRSI CAAMIR

Inacaamir1960@hotmail.com

     04/08/2013=26/09/1433




Leave a Reply