Golaha Wada Tashiga Oo Diyaariyay Sagaal Xubnood Oo Madaxweyne Siilaanyo Horfadhiisan Doona Iyo Magacyada Xubno Ka Mid Ah

Aug 3,2013 Hargaysa(SM) – Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa diyaariyay ergada uga qayb geli doonta kulan la filayo inuu dhex maro golahooda iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo ay qabsoomidiisa ka shaqeeyeen salaadiin is xilqaantay oo dhexdhexaadin ka dhex bilowday.

Goluhu ma soo saarin wax war ah oo la xidhiidha diyaarinta xubnaha uga qayb geli doona kulankaas, laakiin ilo xogogaala ayaa xaqiijiyay inay magacaabeen guddi ka kooban 9 xubnood oo Madaxweynaha la hortagta 16kii qodob ee ay soo bandhigeen oo ahaa dhaliilo iyo galdaloolooyin ay arkeen inay Somaliland ka jiraan. Sida uu warku sheegay xubnahaas dhinaca golaha ka socda ee loo diyaariyay kulanka Madaxweyne Siilaanyo waxa ka mid ah Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Xasan Guure, Maxamed Xaashi Cilmi, Faysal Cali Waraabe, Xildhibaal Saleban Cali Koore iyo xubno kale. Waxaan la filayaa inay guddigani Madaxweynaha qodob qodob ugu bandhigaan dhaliilaha ay arkeen ee ay sheegeen inay halis galinayaan qaranimada Somaliland.

Geesta kale, salaadiinta ergada ah ayaan weli cayimin wakhtiga rasmiga ah ee ay ugu tallo galeen inay is horfadhiisiyaan Madaxweynaha iyo golaha wada tashiga, waxaanay wararku sheegayaan in la filayo inuu kulanku qabsoomo maalmahan.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa si weyn uga sastay golahan iyo ku dhawaaqistiisa, waxaanay ka bixiyeen jawaabo kulul, laakiin guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ka duwan qaabka ay xukuumadu golahaas u waajahday uga hadlay, waxaanu sheegay inay ragga golaha ku dhawaaqay yihiin kuwii aasaasay Somaliland iyo qaranimadeeda, waxaanu wasiirada xukuumadda u soo jeediyay inaan loogu jawaabin cay iyo aflagaado ee la dhagaysto talooyinka ay hayaan, halka uu golahana ugu baaqay inaanay mucaaradoodu noqon mid cid gaar ah ay ku weerarayaan balse ay muujiyaan odaytinimo

Salaanmedia/Hargaysa Office

Geeska Afrika