Guddoomiye Cirro Oo La Kulmay Sarkaal ka socday qaadhaan-bixiyeyaasha doorashooyinka

HARGEYSA (SM)-Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin kala duwan oo xisbiga ka tirsan ayaa maanta xafiiskiisa Xisbiga ku qaabilay mas’uul ka socday deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee taageera doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbigu waxa uu sheegay inay mas’uulkan ku wargeliyeen in shuruucda Somaliland ay tilmaamayso in doorasho kasta lagu gallo diiwaan-gelin, axsaabta mucaaradka iyo xukuumaduna ay si wada jir ah codsi ugu gudbiyeen deeq bixiyayaasha iyagoo ka dalbaday qaybtii ay ku lahaayeen dhaqaalihii lagu hirgelin lahaa diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka mustaqbalka la qaban doono.

Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inay mas’uulkan ka socday deeq-bixiyayasha kula dar-daarmeen in qalab kasta oo loo adeegsanayo diiwaangelintu uu noqdo mid xakamayn kara in qof muwaadin ahi uu is diiwaangeliyo labo jeer iyo ka badan.

Salaanmedia/Hargaysa