Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Cismaan Caato

barlamaanka

Muqdisho Aug 06,2013(SM)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaa Xildhaannada Baarlamaankii KMGka ahaa oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaan doonayaa inaan halkaan uga tacsiyadeeyo shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee KMGka ahaa, waxaan doonayaa anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magacaga Xildhibaannada Golaha Shacabka inaan halkaan Tacsi gaar ah ugu diro qoyska iyo ehellada uu ka geeriyooday Marxuumka”

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Marxuun Cismaan Caato Alle uga baryey inuu siiyo naxariistiisa jano, qoyskiisa, ehellada iyo guud ahaanna shacabka Soomaaliyeed uu ka siiyo samir iyo iimaan.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoonka Baarlamaanka