Hambalyo iyo bogaadin kusocota Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland. dhamaan jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaaladan Bristol UK ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey xayiraadii uu ka qaaday

news

Hambalyo  iyo bogaadin    kusocota    Madaxweynaha   Jamhuriyada  Somaliland. dhamaan   jaaliyada  Somaliland ee  ku dhaqan  magaaladan   Bristol  UK  ayaa  si balaadhan  u soo  dhaweeyey     xayiraadii  uu ka qaaday madaxweynaha  Somaliland  mudane  axmed  maxamed  maxamud  siilaanyo     wargeyska  madaxabanan ee   hubaal.  taasi  oo  uu madaxweynaha  somaliland    uu  samaxaad  ufidiyey  gudoomiyaha  wargeyska   hubaal      maxamed   cabdi    jamac   caloolay.    iyo  tafaftiraha  wargeyskaasi     xasan   xuseen  cabdilahi.[keef-keef].    taasi   oo  maxakamada  gobolka  hargeysa   ay  ku  riday   xunkuno  kaladuwan    .  21  june  ee 2013  ayay   ahayd  markii   ay  dawlada somaliland   ay   xiyiraadsi  saartay  wargeyskaasi  hubaal.  hase  yeeshi   xubno   kamid   ah wasaarada  warfaafinta iyo  wacyi galinta  somaliland  ayaa  beryaahasiba  

 waday    sidii arintaasi   loo  soo afjari lahaa. taasi  oo uu markii dambe    madaxweynuhu   arintasi   uu samaxada   udifiyey

 
 sidaa    awgeed   waxa   ay jaaliyada  somaliland  ee  magaalada  bristol    ay  aad  usoo dhaweeyeen  sida    milgaha  iyo  sharafta leh  ee  uu    madaxweynaha  somaliland    mudane   axmed   maxamed     maxamud  siilaanyo    u dhameyey  arintaasi.  iyada  oo dhamaan   saxaafada   somaliland  oodhami  ay  soo  dhaweeyeen     xayiraadasi  laga   qaaday  wargeyskasi    .  iyada  oo dhinacyo badan    laga   heshiiyey.  madaxweynaha  somaliland    waxa   ka   go,an   inuu arin kasta  ku mareeyo    dulaaq. samir    sulux,.  sabaaleyn .  sasabo. tanaasul  uu    umadiisa   iyo dalkiisaba   ka  qabo      lexejeclo   qoto dheer.    dhinaca  kale    waxaanu     hamblyo  labaad  u diraynaa     sida  quruxda  badan ee    loo  dhameystiray dib  u habayntii   madaarka  hargeysa    oo aad  arkayso    isbedalada   kamuuqada   wadanka intii   ay    xukumadan   uu    hogaamiyo    siilaanyo  ay   wadanka  gacanta   ku dhigtay.
 Salaanmedia/Bristol
Cabdi   Xarago   Bristol    UK.