Hargaysa oo uu Ka Furmay Shirweyne lagaga hadlayo Mustaqbalka Wada hadalada Somaliland iyo Somalia

Hargeysa Aug 14,2013(SM)- Shirweyne Socon doona muddo labo cisho ah oo ku saabsan sidii ay Somaliland isugu tashan lahayd isuguna taxallujin lahayd gaadhitaanka himiladeeda aqoonsi caalami ah oo ay hesho ayaa maanta ka furmay magaalada Caasimadda ah ee Hargaysa.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md baashe Maxamed faarax ayaa shirweynahasi oo uu ka furay Hotel maansoor waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada madaxtooyada Md xirsi Cali Xaaji xasan iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Mowliid Maxamuud Ibraahin waxaana ka qayb qaadanaya siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md cabdiraxmaan Aw Cali faarax iyo wasiiradii hore ee wasaaradaha maaliyadda iyo warfaafinta ee JSL Md maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yuusuf Ducaale iyo aqoonyahanada reer Somaliland qaarkood sida gudoomiyaha Jaamacadda hargaysa Proff: Cabdi Xuseen Gaas iyo Gudoomiyaha xallinta khilaafaadka Aadan xaaji cali.

Digital StillCameraDigital StillCameraGudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Md Baashe maxamed Faarax ayaa furitaankii shirkaasi waxa uu sheegay inay ahmiyad weyn u leedahay Somaliland in tallaabo kasta oo la qaadayo laga wada tashado hadafka la tiigsanayaana uu yahay aqoonsi laga helo beesha caalamka iyadoo loo qaadayo dariiqa ugu fudud ee loo marayo. Isagoo ka codsaday muwaadin kasta inuu soo gudbiyo waxii fikrad ah ee uu hayo.

Md Baashe waxa uu sheegay in wadahadal kasta oo lala gelayo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia iyo  heshiis kasta oo lala saxiixanayo lagu gelayay magaca JSL laguna saxiixayo go’aan kasta oo la isla qaato.

Digital StillCameraDigital StillCameraDigital StillCamerawasiirka wasaarada madaxtooyada Md xirsi Cali Xaaji xasan oo kulankaas ka hadlay waxa uu sheegay in ka qayb galka Somaliland ee shirarka lala yeelanayo dalka Somalia ay Somaliland ku heshay aqoonsi balaadhan oo ay ku barteen dalal iyo qowmiyado badan oo caalamka daafihiisa ku kala sugan

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ka dalbaday muwaadin kasta oo doonaya inuu fikrado ku biiriyo arimaha noocan ah la soo dhoweynayo, isla markna la iska ilaliyo in qaranimada la mucaarado oo la dhabar furo mas’uuliyiinta inooga qayb gelaya shirarka heer qaran ee aynu ku bandhigayno rabitaankeena.

Digital StillCamerawasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Mowliid Maxamuud Ibraahin ayaa munaasabadaasi ka sheegay in ahmiyad weyn uu xambarsan yahay shirka noocan oo kale ah uuna yahay shir u furan cid walba oo muwaadin ah.

Md Mowliid waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland uu dhigayo in qaranimada Somaliland ay tahay lama taabtaan isla markaana aan lagu xad gudbi Karin, dastuurkuna uu awoodda siiyey shacabka oo u maraya shuruud waafaqsan qawaaniinta dalka. Isagoo dhanka kalena wasiir ku xigeenku caddeeyey in gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid tahay qodobada aan waxba lga bedeli Karin xitaa hadii dastuurka la furo.

Gudoomiyaha xallinta khilaafaadka Aadan xaaji cali oo isna ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyey shirweynahan ayaa halkaa ka sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee shirkan lagaga tashanayaa ay tahay sidii enagoo qaran ah oo aan xaqeena ka tanaasulayn aynu uga sii qayb qaadan lahayn ka qayb galka shirarka iyo wadahdalada aynu la gelayno dalka Somalia,

Dhanka kalena Shirkaasi oo ay qabanqabadiisa ay qayb weyn ku lahayd jaamacadda hargaysa ayaa waxaa sidoo kale  lagaga hadli doonaa arimo ay ka mid yahiin:

1.     Doorka ay wadahadalada soconaya ku yeelan karaan qaybaha bulshada rayidka ahi

2.     Saamaynta ay wada hadalada ku yeelan karaan kala fogaanshaha xaaladaha siyaasadeed iyo ammaan ee ay ku kala sugan yihiin dalalka Somaliland iyo Somalia

3.     Waxyaabaha ay hogaanka Somaliland ka baran karaan hogaanadii lixdameeyadii ee dalkan hagayey

4.     Kaalinta ay wadahadaladan ka ciyaari karaan dalalka deeq bixiyayasha iyo kuwa deriska ah ee lahaa fikraddii hore ee ahayd in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyasadeed.

Salaanmedia/Hargeysa