ILmaha Ku Jira Uurka Hooyada ka soo Jeeda Dunida koowaad, Waxa uu Dayn dulsaar ah ku leeyahay 12 Carruur ah oo ku nool Dunida saddexaad.

ILmaha Ku Jira Uurka Hooyada ka soo Jeeda Dunida koowaad, Waxa uu Dayn dulsaar ah ku leeyahay 12 Carruur ah oo ku nool Dunida saddexaad.

 

Sool

 

Dhibaatada Africa loo Gastay iyo Daynta loo Haysto.

 

Dunida Eebay inagu uumay ama inagu abuuray ayaa dadka ku nooli u kala qaybsan yihiin kuwa dhinac kasta hore uga maray, kuwaas oo isku magacaaba (dunida koowaad ama kuwa hore u maray) iyo kuwo aad u danbeeya oo ay ku magacaabaan(dunida saddexaad)

 

Africa oo tacadi iyo dhibaatooyin waa weeyn loo gaystay xilligii Gumastayaashii reer Europe gacanta ku dhigeen, ayaa ah Qaarada kaliya ee markii la boobay Diamond-keedii, Macdanteedii iyo Dahabkeedii…...Hadana laga fushaday mashruucii ahaa Ka-ganacsiga dadka ee la odhan jiray * Slave Trade*

 

Mashruucaa Aduunisiga ahaa ayaa waxa lagu qiyaasay dadka lagu kala iibsaday ee ku maqan iminka ilaa 60 Million oo Qof. waxa yaalaha quudhsiga ah ee aan laga soo waaqsan karaynin ee Africa haysta, ayaa ah iyada oo aan marna laga raali-galin wax yaalihii foosha xumaa ee loo gastay. halka dadkii dagaaladii dunida ee kowaad iyo labaad ku dhintay ee u badnaa yuhuuda, sanad walba la xuso iyaga oo waliba la siiyey magdhow iyo raali-galin.

 

Dalalka dunida koowaad sheegtay wax ay hormar ka gaadheen dhinacyada farsamada beeraha, warshadaha iyo Tiknoolojiyada casriga ah. Wax ay gaadheen isku fillaansho taam ah, dalalka hore u maray dadkoodu wax ay dhan yihiin 25% (afar meelood hal meel dadka dunida ku nool) marka loo eego dunida inteeda kale.

 

Dadkaasi waxa ay haystaan hantida dunida taal 75% (afar meelood saddex meel). Waxay si toos ah u maamulaan khayraadka dunida saddexaad sida:- Shidaalka, Dahabka, Dheemanka, khayraadka beeraha iyo badahaba. Waxay dul saar xad dhaaf ah ka helaan hantida dunida saddexaad ay ku kaydsadaan Baanankooda, waxay kale oo ay si qarsoodi ah u haystaan hantida kali taliyayaasha dunida saddexaad ay ka soo boobaan dalalkooda iyo dadkooda. Taasi waxay dhalisay in ay waddamada dunida koowaad qaan dulsaar fara badani saaran yahay siiyaan dunida saddexaad. Waxa lagu qiyaasay in halka ilmo ee ku jira uurka Hooyada ka soo jeeda dunida koowaad uu dayn dulsaar ah ku leeyahay 12 carruur ah oo ku nool dunida saddexaad, isla markaana macluul iyo cudur-na la il daran.

 

Dunida koowaad waxay la wareegtay talada dunida saddexaad. waxay talo ku siiyaan ama ay u soo jeediyaan in dunida saddexaad ay qaataan habka ay iyagu ku dhaqmaan iyo in ay shaqaalohooda dhimaan iyo in ay lacagtooda qiimo jebiyaan si loo siiyo amaah dulsaar leh oo muddada bixinteedu dheer tahay, wax soo saarka ama dalagga ka soo baxa dunida saddexaad waxaa lagu qiimo jebiyaa kuwa ka soo baxa dunida koowaad.

 

Waxa loo abuuraa dunida saddexaad is maandhaaf siyaasadeed oo dhaliya shaqaaqooyin iyo gacan ka hadal dhiig badani ku daato. waxayna dhex dhigaan loollan siyaasadeed, dhaqaale, mid mabde・eed iyo dagaalo Diimeed, iyaga oo lagu dhex-beeraayo iska hor imaadyo ku salaysan midab takoor, jinsi nacayb iyo mid qabyaaladeedba gaar ahaan waddamada Afrika iyada oo hoggaaminta dalalka dunida saddexaad ay faraha ku dhigeen kaligood taliyayaal aan dadkooda iyo dalkooda horumar la rabin.

 

Dunida saddexaad waxa dadka ku nool lagu qiyaasaa 75% dadka dunidaa ku nooli, waxa ay haystaan hantida dunida taalla 25%.Waxaan shaki ku jirin in dunida koowaad ay doonayso in ay dib u habayn siyaasadeed ku samayso qaaradda Afrika, dib u habayntaas oo ay rabaan in ay ku saleeyaan qaab danohooda u adeega. Hirgelinta dib u habayntan waxaa tusaale cad u ah dabka ka holcaya gobollada harooyinka waaweyn ee Afrika oo kulmiya dalalka Uganda, Rwanda, Brundi, Kongo, Tanzania, Kenya iyo Angola. Waxa dalalkaas lagu beeray colaad ka dhex aloosan qowmiyadaha waddamadaas ku nool, colaadahaas oo ay u weyntahay midda u dhexeysa Hutuga iyo Tutsiga, qowmiyadahan oo ku kala nool dalal kala duwan oo gobalkaas ku yaal taa soo ku timid habkii ay reer Yurubkii gumeystay Afrika u kala qaybiyeen qaaradda. Dalka Soomaaliya waxay muddo 18-sano ah oo wax yar dhiman ku sugan tahay dawlad la・aan waxaana lagu sheegaa in gargaar deg-deg ah la siiyo iyad oo hub iyo sunta kiimikada ah si fudud loo keeno dalkaa. Dunida 3-aad waxaa laga doonayaa dayn, waxaana loo diray colaad iyo burbur.

 

Isku soo duuboo haatan Afrika ma bixin kartaa daynta laga rabo ayaa ah su’aasha taagan ee walina jawaab shaafi ah loo haynin.

 

 

 

By: Osman Abdillahi Sool……Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com