Jaaliyada CIDAGALEH ee sacuudi carabiya waxay hambalyo u diraysaa wasiirka DUULISTA maxamuud xaashi oo MADAARKII dayac tiray wasaaradiina masalaha usoo raray ,

image image image

Jaaliyada CIDAGALEH ee sacuudi carabiya waxay hambalyo u diraysaa wasiirka DUULISTA maxamuud xaashi oo MADAARKII dayac tiray wasaaradiina masalaha usoo raray ,

Jaaliyada CIDAGALEH ee sacuudi carabiya waxay hambalyo u diraysaa wasiirka DUULISTA maxamuud xaashi oo MADAARKII dayac tiray wasaaradiina masalaha usoo raray ,

 

wasiir waanu ku faraxay marakaanu aragany oo maqalay in madaarkii dhamaaday oo aad wasaradiina soo raraytay oo masalaha keentay illhay hakula qabto wanaaga iyo horumarka halkaas kawad ayaanu ku leenahay ;warakaanu maqalay waakan eenaga farxiyey marakii aanu akhrinay

Wasaaradda Duulista Hawada & Gaadiidka Cirka iyo shirkadda Somaliland China Hono Group ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqay in la dhammaystiray dhabbaha (Run way) diyaaradaha madaarka Hargeysa oo muddo ku dhaw lix bilood ah la waday dhismihiisa.

 

Dhabbaha diyaaraduhu isticmaalaan ee la dhammaystiray oo cabbirka dhererkiisu dhan yahay 2KM iyo 64 Mitir, gacantana ku haysay shirkadda la yidhaa Somaliland China Hono Group, isla markaana ay ku baxday lacag gaadhaysa 4 milyan 6 boqol oo kun doollar, iyadoo diyaaradaha kala duwanina si rasmi ah u isticmaali doonaan marka la furo Ramadaan kadib.

“Ilaahay mahadii waxaannu maanta soo gabogabaynay mashruucii dib-u-dhiska dhabbaha (run way-ga) madaarka caasimadda ee Egal International Airport oo shaqadiisa aannu bilownay 16-kii February ee sannadkan, muddadaasi waxa socotay shaqo adag oo si joogto ah u socotay oo ahayd mid si heer caalami ah oo u dhigma dhismaha madaaradda caalamiga ah, muu ahayn wax jibbo iyo caadifad lagu samaynayey ee wuxuu leeyahay qorshe, tayo iyo nidaam loo sameeyo si uu u noqdo dhabbo caalami ah, balse waa arrin aanay dad badani aqoon u lahayn markay leeyihiin meeshii maxaa loo furi la’yahay ama way fashilantay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo kadib markii maanta shaqada dhismaha la dhammeeyey warbaahinta u warramay.

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu tafaasiil ka bixiyey shaqada laga qabtay dhabbaha madaarka, waxaannu yidhi, “Shaqadan dhabbaha laga waday oo ahayd saddex waji waxay kala ahayd; dhabbihii Ingiriisku dhisay sannadkii 1953-kii oo 60% la beddelay, la kabay oo dhaggaxii la dhigay muddadaasi la toosiyey, mid kale la dhigay oo shaqo culus ah, shaqada labaad waxay ahayd lakab (layer) cabbirka qaradiisu tahay 8CM oo aad u adag, ta saddexaad ee maanta la dhammeeyeyna waa lakabkii saddexaad oo kafiif ah oo isna qaradiisu tahay 4CM, waxa loo sameeyey hab nidaamka waafaqsan oo la hubiyey daamurka iyo jayga sida la isugu daray oo mar walba baadhitaan laabaratori ah casri ah oo lagu rakibay halkan lagu samaynayo haddii meeli xumaatana dib ayaa loogu celinayaa. Sidaa darteed mashruucii hay’adda Kuwait Fund ina siisay halkaasi ayuu ku soo afjarmay, waxa ka dhiman oo keliya calaamadihii dusha lagaga samaynayey dhabbaha oo dhawaan uu imanayo kambanigii samaynayey.

Waxa ku baxday mashruucan marka lagu daro siligii madaarka oo aan weli dhammaystirnayn 4 milyan iyo 6 boqol oo kun doollar, toban milyan ayey dawladda Kuwait ina siisay, 4 milyan iyo dhawr boqolna wuxuu ku baxay madaarka Berbera, isugeyn waa 9 malyan doollar, halka malyan ee lacagta ka dhiman waxa dawladda Kuwait siisay shirkadda shaqada noo wada ee ilaalinta, kormeerka, hubinta iyo qorshaha wada oo bilowgii ilaa dhammaadka wadaysa.”

“Waxaannu ku daranaynaa halka diyaaraddu ka soo leexato markay soo joogsanayso iyo meesha ay istaagayso (parking) intaana oo kambaniga ayaanu ku heshiinay inuu ku daro, waxaannu madaarka furi doonaa wixii ka dambeeya ciidda bisha Ramadaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Duulista Hawada Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiyaha shirkadda madaarka dhistay ee Somaliland China Hono Group Mr. Cabdirisaaq Jaamac Ismaaciil (Cummaani) ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in shirkaddiisu ku guulaysato dhammaystirka dhismaha madaarka.

“Culaysyo fara badan iyo shaqo adag lahayd, dhismahan aannu samaynay oo mid heerkiisu nidaamka caalamiga ah yahay, waxaannan filayaa in aannu heerka ugu fiican geli lahayn haddii aannu caalamka joogno, laakiin waxaan filayaa marka caalamku inoo yimaado ayuun buu qiimayn doonaa, imikase annaga ayaa ugu horreyna halkan (Somaliland) iyo inta inoo dhawba,” ayuu yidhi Mr. Cabdirisaaq Cumaani.

Dhinaca kale, Dr. Rami Chehade oo la-taliye mashruucan uga ahaa shirkadda NARCO ee dalka Kuwait iyo Eng. Daniel Kebede oo qaabilsanaa ilaalinta tayada dhismahan ayaa iyaguna sheegay in lagu guulaystay samaynta dhabbaha diyaaradaha madaarka Hargeysa si hab caalami ah, isla markaana mashruucii la geliyey noqday mid si buuxda u guulaysta. Waxa kale oo ay u mahadnaqeen cid kasta oo gacan ka gaysatay shaqadiisa

Cabdi Qawsaar xoghayaha jaaliyada cidagale ee sacuudiga Riyadh