Lacagtii Xaqal Ciidka Ee Shaqaalaha Tv.ga Qaranka Oo Koox Yari Lunsatay. Qaybtii 1 aad.

MAQAAL

Akhristayaal qormadani waxaan ku soo gudbin doonaan musuq-maasuqa,qabyaaalda,eexaysiga,nin jeclaysiga iyo xumaanta ka jirta tv.ga qaranka somaliland.

Hadaba inkasta oo wax kasta oo la qorayo loo bahan yahay in diirada lagu saaro xaqiiqada jirta ayaa waxaan cadadka hore ee qormooyinkan ku soo bandhigi doonaa musuqa balaadhan ee ka jira tv.ga qaranka somaliland,akhristayaal in kasta oo ay xukuumada Siilaanyo ku faani jirtay waxaan ilaalinaynaa hantida umadu wada leedahay hadana waxaa soo baxay inay arintaasi faraha ka baxday oo ay dabarka goosatay oo ay jiraan meelo badan oo hayadaha dawlada ah oo wax musuqay,ayaa hadana waxa laga yabaa meelahaasi in uu musuqu ku kooban lacago aan la dareemayn sida loo lunsaday , balse halkan tv.ga qaranka mushkiladu waxaa weeyi iyadoo maamulkii tv.gu noqday mid aad u jilicsan oo wax matari ah oo u shaqeeya sidii uu dal shikeeyi joogo waxana maamulkan intaa u dheer hababka badan ee uu wax u lunsado hadaba wax ka mid ah lacagihii uu maamulkan hada jiraa u lunsaday.

Sida la og yahay sanad kasta waxay wasaaradaha dalku siiyaan shaqaalahooda lacago xaqal ciid ah kuwaasi oo loogu tala galay in lagaga farxiyo shaqaalaha wasaarada inkasta oo ay lacagtaasi xaqal ciidka ahi kala badan tahay oo sida wasaaraduhu u kala miisaaniyad badan yihiin ayay xaqal ciidkuna u kala bataa. hadaba tv.ga qaranku waa hayada sadexaad ee ugu miisaaniyada badan dalka iyadoo ay taasi jirto ayaa xaqal ciidkii sanadkan waxaa qof kasta loogu talo galay in la siiyo $50. halka maareeyihii tiro yar oo ka mid ah shaqaalaha tv.ga uu siiyay xaqal ciidkii halka lacagtii kale ee soo hadhay isaga iyo ninka uu adeerka u yahay ee lagu magacaabo GUUXAAYE ay kala qaybsadeen lacagtaasi xaqal ciidka ahayd iyadoo shaqaalihii aan wax cadaalad ah looga samayn lacagtaasi loogu talo galay in la siiyo shaqaalaha tv.ga qaranka ayaa uu maareyihii tv.ga qaranku dhawr maalmood ka hor iska tegay UK halkaasi oo uu markii hore ka yimid ayuu markasta iskaga dhoofaa,iyadoo ay arintaasi halkaasi marayso ayaa waxa dhacday in ciidii soo gasho oo habeenkii ay ciidu soo gashay waxaa loogu talo galay shaqaalaha maalintaasi shaqaynaya in la siiyo $10 hadana waxaa dhacday in lacagtaasi danbe laftigeeda si cadaalad daro ah loo qaybiyey oo tiro yar oo kaliya la siiyay waxana arintan danbe ka masuul ahaa madax hawl gelinta tv.ga oo isaga laftigiisu ku kacay cadaalad daro weyn isagoo lacagtii uusan siinin shaqaalihii balse uu siiyay tiro yar.

Akhriste hadii aad is weydiiso waa maxay waxan oo lacago ahi waxaa weeyi miisaaniyada tv.ga oo aad u badan sidii aynu soo sheegnay waana si habaq la oo sifooyin sharci daro ah lacago ku baxaya oo aysan jirin cid la xisaab tamaysa.

fadeexada kale ee dhacdaya ayaa waxaa ka mid ah inay dagaalamaan maareeyi ku xigeenkii tv.ga oo ah nin cusub oo dhawaan loo soo ,magacaabay tv,ga qaranka iyo ninka uu adeerka u yahay maareeyaha tv.ga qaranka mr guuxaaye waxayna labadaasi nin ku dagaalameen lacagahan badan ee sida xun loo maamulayo, arintaasi oo ay dhex dhexaadi ka galeen rag kale oo ka shaqeeya tv.ga qaranku waxayna ku dhamaatay in ninkii uu adeerka u ahaa maareeyaha tv.gu tisii ay noqoto.

Akhristayaal waxaan idiin balan qaadayaa in aan qormooyin mug leh oo taxane ah idiin soo gudbin doono waa inoo taxanaha danbe..

A.M.Gure

Email.gure0134@gmail.com

Hargeysa/Somaliland