Macalin Ancalloti oo ka hadlay halka Ay marayso iibsiga Garet Bale iyo Renaldo

anchalotia

Macalinka cusub ee kooxda kubbada cagta Real ayaa sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo heshiis cusub oo uu kooxda u saxiixo weeraryhanka ree Portguese ee Ronaldo iyadoo dhowaanahan ay jireen warar kala duwan oo kasoo baxayey xaaladda CR7 iyo doonista Bale ee kooxda Los Blancos.

macalinka ayaa sheegay in ayan jirin sabab xilligan ku kallifteysa Ronaldo in uu ka tago kooxda uuna hubo in uu qalinka ku duugi doono heshiis cusub.

“kalsooni ayan ku qabaa in xiddiga uu joogayo kooxda uuna heshiis cusub saxiixi doono ma hubo maalinta lakin waxa kaliya ee aan hubo ayaa ah in xiddigu cusbooneysiin doono heshiiska” ayuu 54jirkan  ka sheegay shir jaraa’id.

Cristiano Ronaldo ayaa imminka heshiiska uu kula joogo kooxda waxaa uu ku egyahay 2015 ayadoo ay jireen warar sheegaya in ay suurowdo in xiddiga uu kusii sugnaado Santiego Barnabue Stadium taniyo 2018 ka kadib markii la gaarsiiyo lacagaha uu xiddigu qaato sanaddii €17 million taas oo ka dhigan in uu ka mushaar badnaan doono ninka ay sida adag u xafiltamaan ee Messi oo Camp New ka urursada adduun gaaraya €16 million.

dhanka kale Macalin Carlo Anchaloti ayaa sheegay in aanu dooneyn in uu kahadlo arrinta Gareth Bale oo waayadan saxaafadda Sportiga qabsatay  uuna ku xushmeynayo macalinka kooxda Spurs-ka Andrea Villa Boss.

“madoonayo inaan ka hadlo arrinta Bale waayo waa xushmad darri ka dhan ah macalin Andre Villas Boas” ayuu yiri macalin Carlo

naadiga ka dhisan caasimadda dalka Spain ee Real ayaa dooneysa in ay sanaadiiqdeeda jabiso oo ay adduun lacageed gaaraya 115 million oo Pound ay kusoo iibsato 24jirka ree Walesh Gareth Bale oo mustaqbalkiisa kooxda Tottenham uu mugdi galay, haddii xiddiga lacagtaa lagu gatana waxa uu noqonayaa taariiqda kubadda cagta xiddigii ugu qaalisanaa iyadoo Recordka uu ka jabin doono C.Ronaldo oo  Manchester United laga soo iibsaday bishii June sanaddii 2009 adduun lacageed gaaraya £80 million oo u dhiganta $141 million oo doolar.

sikastaba macalinkii hore ee kooxda Chelsea Carlo Ancaloti ayaa wajahi doona kooxdiisii hore halka Murinho isna uu ka hor iman doono Real oo uu imminka uun kasoo tagay habeenka Arbacada ah koobka Guinnes International Champions Cup, wuxuuna Anchaloti sheegay in uu u yahay kulan qaas ah

Nuur Holac/ Amman-Jordan

Nurholac@gmail.com