Madaxweynaha Somalia Oo Xalay Kula Kulmay Magaalada Kampala Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni

Aug 04 2013 Muqdisho(SM)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay kulan dheer la qaatay dhiiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, iyadoo kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Uganda ay kaga hadleen arrimo badan.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kulanka ku wehliyay ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ahna, wasiiradda arrimaha dibadda, Soomaaliya Fowzia Yusuf Xaaji Aadan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax C/qaadir, dajiraha Somalia ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale.
Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labada waddan, arrimaha AMISOM, shirka maanta ka furmaya magaalada Kampala oo dhex-maraya madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo arrimaha guud ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Museveni sidii diirranayd ee loogu soo dhoweeyay Kampala iyo qaban-qaabada shirkan muhiimka u ah Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixin kooban ka siiyay dhiggiisa

Uganda horumarka baaxadda leh ee ay dowladdu ku tallaabsatay 11-kii bilood ee la soo dhaafay, kana codsaday Museveni sidii ciidamada Somalia tasiilaadka ay u baahan yihiin loogu heli lahaa si ay u sahlanaato soo celinta amniga dalka.
Madaxweynaha ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeedin doono shirka ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidamadu Somalia ka joogaan, waxaana lagu wadaa in madaxweynuhu uu uga mahadceliyo dalkaaas sida ay dhiiggooda iyo maalkooda ugu hureen nabad kusoo celinta Soomaaliya.
Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, tababbaradda joogtada ah ee ciidamada iyo dib u habeynta lagu sameynayo hay’adaha amniga.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya waxuu shirkan kaddib kula kulmi doonaa magaalada Kampala madaxda dalalka kale ee shirka kasoo qayb-galaya, isagoo sharraxaad ka siin doona howlgallada ciidamada AMISOM.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari ayaa waxay ka kala socdaan shan dal oo Afirkaan ah, iyagoo ka howlgala degmooyinka iyo gobollo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

Salaanmedia/Office Muqdisho