Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Ha’yadda Qurbo-jooga

 

HARGEYSA(SM)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Ha’yadda Qurbo-jooga Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan Cali.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013 uu xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali,

WAXAANU MADAXWEYNUHU YIDHI:Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.”

Salaanmedia/Hargaysa