Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Jawaab kulul ka bixiyay Haddal ka soo yeedhay C/raxmaan Faroole.

SIILAANYO

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeray Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya Md Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa khudbad uu ka jeediyay sanadguuradii 15naad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland waxa uu ku sheegay in Somaliland iyo dawlada Federaalku wada hadli Karin la’aantood sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in Somaliland ka waantowdo raadinta aqoosiga madax banaanida ee ay dunida ku mareyso.

“Runtii waxay ila tahay Cabdi raxmaan farole ninkaa madaxda ka ah Qoladaa Puntland in wax iskaga khaldan yahiin maxaa yeelay waxa uu u hadlay nin Aqoonsiga Somaliland gacantiisi ku jiro waxaan u sheegaynaa Ninkaa odaygaa anagu jawaabta ku haboon bixin mayno ee deegaankiisa ha u taliyo” ayuu yiiri madaxweynaha Somaliland .

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku adkeystay in Somaliland tahay dal madaxbanaan isla markaana ay xukuumadiisu sii wadi doonto wadahadalada ay kula jirto Soomaaliya.

“Runtii Madaxwaynaha Puntland ma ahan nin aan warkiisa aan miisaan u yeeli karno wayoo waxaa kaaga daliila ayuu yiri inta hadal ee uu jeediyay waxa ay ahayeen kuwa daan daansi ah maxuu uga hadli waayay deegaankiisa” ayuu yiri mar kale madaxweyne Axmed Siinlaanyo.

Madaxweynaha  Somaliland ayaan hore looga baran in uu u jawaabo siyaasiyiinta Soomaaliya ee inta badan ka hadla siyaasadaha Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa