Madaxweyne Siiraanyo Iyo Marwadiisa Oo Maanta Kormeer Mijobaxsi Ah ku Tagay Madaarka Hargaysa..iyo Waxyaalihii uu Indhihiisa Ku Soo Arkay Oo Uu La soo guryo Noqday.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta Duhurnimadii kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Hargaysa international Airport Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay dhawaana la furi-doono insha allaah.

20130805_135247

Kermeerkan madaxweynaha oo ahaa mid kedis ah saxaafaduna aanay ogayn ayaa waxa uu madaxweynuhu ku soo kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee Airport ka isoo kalena waxa uu madaxweynuhu soo maray wadooyinka Caasimada, xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeisa, isaga oo u kuur gelaya baahiyaha iyo horumarka ka socda caasimada taasi oo madaxweyne Axmed Silaanyo ay bulshadu ku amaanto marwalba.

20130805_135253

waana madaxweynihii ugu horeeyey ee caasimada Somaliland Habeen iyo Maalinba ku soo mara Kormeero noocan ah oo kale ah isaga oo aanay saxaafada iyo Ciidamada kala duwani aanay la socon taas oo ku tusaysa inay madaxweynaha ka dhabtahay horumarka dalka iyo ka war hayntiisuba.

 

Madaxweynaha waxa kormeerkan ku wehelinaayey Marwada koowaad Dalka Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir.