Maxaad ka taqanaa, Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale Dulmane laga gardaran yahay , deeqsi sadaqo badan Halyey u Hiilin Mudan

MAQAAL

Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale wuxuu ka mid yahay dad yar oo fara kutiris ah oo bur burkii soomaaliya ka dib qeyb weyn ka soo qaatay sidii ummadda Soomaaliyeed ee tabaaleysan loo caawin lahaa , dadka Soomaaliyeed in badan baa u taqaana samawade daacad ah dulmane laga gar daran yahay .

Waxaa in badan la ilaawi Karin sadaqadiisii faraha badneyd diin jaceylkiisii taasoo dhaxal siisay samir iyo dulqaad aaney suuroobin in dadka qaar ay ku dhiiradaan , Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale waa halyeey Soomaaliyeed waa mid ka mid ah dadka naadirka kusii ah ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda waxaan jeclaan laheyn asagoo kale in aan manta helno si wanaagu u sii bato .

Dhamaadkii 1994 ayey aheyd markii iigu horeysay ee aan maqlay Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale xiligaa waxaan ka mid ahaa cutub agoon ah oo aabayaashii dhalay ku waayay dagaaladii sokeeeye ee halaaga iyo bur burka soomaaliya laga dhaxlay waqtigaa sida qof walba u muuqato ama u sawirmi karta intii aan joogin , maaheyn xili la is dhugto ama qof aan la mid aheyn Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale oo kale uunan ku soo xasuusan Karin .aniga iyo agoontii aabayaashood ILLAAH ka jeclaaday waxaa inoo suura gashay in aan cawimaad aanan ilaawi Karin ka helnay Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale si LI-LLAHI ah .

Illaa aan QUR’AANKA KARIIMKA AH soo dhameeyay soona dhigtay iskuulka dhexe waxa aan gacantiisa ku jiray RABBI ajir haka siiyee Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale .

Markii aan maqlo waxaa lagu Eedeeyaa in uu la shaqeeyo argagixiso waan yaabaa waayo ummadda soomaaliyeed oo aan ka mid ah waxa aan qireynaa in uunan waligiis ka shaqeyn in qof la dulmiyo argagixiso iska daaaye inta dad badan ka ogyihiina waa in uu dadka masaakiinta ah caawiyo yahayna nin ganacsade ah ILLAHNA HA u barakeeyo hantidiisa INSHA ALLAH cimrigiisa iyo caafimaadkiisana ILLAH HA U ZIYAADIYO INSHA ALLAH .

Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale xilligaan aan maqaalka ka qorayo iga rumeysta ima yaqaano waligeyna si ka fool ka fool ah labo maalin (2 maalin ) baan la kulmay waliba daqiiqado kooban ah balse waan xasuustaa waxaa iiga muuqday wanaag akhlaaq haboon tixgalin qofka u yimaada dhal dhalaal diini ah iyo dabacsanaan qofka la jooga uu kula dhaqmo .

Aad iyo aad baan uga naxaa markii aan maqlo Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale ayaa ah dulmane laga gardaran yahay hadana ah deeqsi sadaqo badan halyeey igu weryn .
Inta af-soomaaliga ku hadasha Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale meel uusan iskuulo , dugsiyo QUR’AANKA KARIIMKA AH iyo MASAAJIDYO lagu cibaadeysto iyo waliba ceelal biyo uunan ka dhisin ma jirto sida aan la socono hadii ay jirtana waa in yar oo kooban .

Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale waxaa lagu xusuustaa qubuuraha weyn ee loo yaqaano al-barakaat oo ah dhul balaaran kaabigana ku haaya jaamacada muqdisho halkaasoo lagu xabaali jiray dadkii masaakiinta ahaa ee ay xasuuqeen ciidamadii itoobiya iyo dowladii cabdullahi yuusuf horkacayay iyo waliba qolyihii la dagaalamayay bilkowgii 2007 .

Wanaaga iyo xaglaha toosan samaan iyo daacadnimada leh ee Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale lama soo koobi karo intii ay macaamileen ayaa garan karta balse sida la ii sheegay waa nin hantidiisa qeyb u dhiiba sadaqo iyo in dadka tabaaleysan la siiyo . waxaa dadka aadka u yaqaana ay ii sheegeen in uu yahay nin hadal yar xishood badan .

HADDABA SHIIKH AXMED NUUR CALI JIMCAALE MAXAA LAGU HEYSTAA ??

Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale waa aasaasihii shirkadii weyneed ee AL-BARAKAAT ee guud ahaan dalka soomaaliya laga taaba galiyay noqotayna halkii soomaali u soo ciirsatay xilli ayba aad u yareed ruuxa soomaaliga ah in uu ganacsan karo tusmo iyo tusaalana u noqotay ganacsiga soomaaliya ee manta sii bulaalaya INSHA ALLAH .

Shirkadii al-baraakat waxaa saamiga ugu badan lahaa shacab weynaha soomaaliyeed intii markaas awooday in ay ganacsato waxa ayna aheyd isha kaliya ee soomaali ka biya cabi jirtay hantidii ummadda soomaaliyeedna ay tiilay , shirkadu waxa ay la heyd laamo fara badan (QEYBO BADAN )sida : xawilaad , bank lacag dhigasho , qeybo isgaarsiin , qeyb ticket-yada laga iibsado iyo waliba qeybta dhismaha guryaha waxaa kaloo jirtay qeybo dadka masaakiinta ah lagu caawin jiray .

Markii dowladii uu madaxwynaha ka ahaa DR: C/QAASIM SALAAD XASAN lagu soo doortay tuulada carta ee dalka DJIBOUTI waxaa madaxdii shirkadii al-barakaat go’aamiyeen in la taageero dowlada soomaaliyeed si loo helo dowlad, culeyskana shacab weynaha soomaaliyeed uga yaraado sida uu sheegay Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale oo lanta af-somaliga BBC-du wareysatay xiligaas .

Dowladaha dariska ah sida Ethiopia iyo Kenya oo kaashana dagaal oogayaashii dadka iyo dalka bur buriyay ayaa war bixin been abuur ah xaqiiqdana ka fog siiyay sirdoonka mareykanka in shiikha iyo shirkadda albarakaat ay taageeraan waxa loogu yeero argagixiso oo xiligaas noqotay waxa kaliya ee la isku shaabadeeyo si naftaada iyo hantidaada loo xalaalsado .

Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas George W Bush ayaa si aan ka fiirsi laheyn ku xiray hantidii shirkaddii alBarakaat kuna eedeeyay Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale iyo xubnaha sare ee albarakaat Group inay ku lug lahaayeen weerarkii daarihii mataanaha ahaa eeNew York ee la dumiyey 11-kii September 2001-dii.

Gudi mareykanku u xilsaaray in ay soo baaraan Eedaha loo jeedayay shiikha iyo shirkada ayaa noqday mid bacaad lagu lisay ka dib markii ay waayeen wax yar oo tuhun dhalin kara in shirkaddu caawiso wax argagixiso ah , dhanka kale gudiyo ay magacaawday qaramada midoobay (QM ) ayaa ayaguna soo waayay wax xiriir ah oo ka dhaxeeyay Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale Iyo waxa loogu yeero argagixiso.

Ku dhawaad Toban iyo Labo Sano ( 12sano ) shiikhu waxaa dhibane aanba la dhugan waxaa laga mamnuucay in uunan safri Karin meelna aadi Karin waxna qabsan Karin handiisiina si bilaa sharci ah loo xayiray taasoo gaf weyn ku ah xuquuqda aadanaha iyo tanISLAAMKA.

Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale waxa uu ku nool yahay dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti , mase kula tahay Djibouti oo ah xarunta sirdoonka mareykanka iyo faransiiska in uu ku noolaan karo ruux danbi ka galay? taasi waa maya .

Waxa ay ogyihiin in shiikhu uunan wax danbi ah laheyn kaliya uu yahay hadafka reer galbeedku in ay cuuryaamiyaan dhaqaalaha ummadda soomaaliyeed taas oo marag madoonto ah iyo in soomaali aaney dagaalo iyo qalalaaso ka bixin .

dhamaan ummadda soomaaliyeed nuucyadeeda kala duwan sida bulshada rayidka ah waxgarad ,aqoon yahay ,dhalinyaro iyo haweenkuba waxa ay ka codsanayeen mareykanka iyo qaramada midoobay in ay shirkadii al-barakaat hantidoodiii usoo celiso shiikhana xoriyadiisa siiyo, balso nasiib daro ilaa iyo hada 12 sano laga joogo xiligiii la xiray shirkadii albarakaat waxaa muuqata in aan codsigoodii la tix galin , taasina waxa ay daliil cad u tahay oo marag madoonto ah in soomaaliya la diidan yahay nolosheeda la rabana in lagala diriro dhanka caqliga toosan si loo cuuryaamiyo ilbaxnimada ummadda soomaaliyeed .

Waxaan kusoo gunaanadayaa maqaalkeygaan yar Sheekh Axmed-Nuur Cali Jimcaale oo ah aabaha ganacsiga xalaasha iyo taakuleeyaha inta dhiban waa halyeey mudan in loo hiiliyo soomaaliyeey.

Allaah waxaan ka baryeynaa inuu Sheekh Axmed-Nuur iyoAl-Barakaat markale nooga dhigo kuwo sidoodii hore noogu adeega oo ummadda ay kubaxsato xilligan adage e dagaalada iyo abaaraha ay haayaan insha allah aamiin aamiin aamiin .

Qore: Mohamed ahmed diriye kalil
Johannesburg – south Africa
gaagaale3@hotmail.com
Gaagaale3@gmail.com
Tel +27719652128