MOHOLIN iyo maansadii .dibu eeg

4/8/13 .WAA  . MOHOLIN iyo  maansadii .dibu eeg

MOHOLIN

Da,da  gabayga  waan  sahamiyaa

gelinba  door  kiiye  .ma  daabaco  haddaan  damaqu  jirin  wax  idareen  siiyay. Dibu  eegna  maantaan  ku  furay. Taa  daliil  qoriye. Dibu  eeg  beladii  dad  kaa . nacab  la  doonaayay.dibu  eeg  dirir  iyo  colaad. Dumis  qabiilaysan. Dibu  eeg  intii  daan  kastaba . geesi  lagu  duugay . dibu  eeg  daroor  iyo  xarshimo. Qaxi  dulaamaayay. Dibu  eeg  dabaabaad  ka  cadaw . duuliyii  samada . dibu  eeg  isdoon doonad  kii Daalaciyo  hawdka.dibu  eeg  darkii  qaaxa  iyo . daasadii  dhuxusha . dibu  eeg  ku  wii  laysku daray .

Xeebta  dacalkeeda . dibu  eeg  doraatiyo wixii . adigu  aad  diiday . dibu  eeg  dekaddaa  berbera. Niman  ka  doob  yaayay. Dibu  eeg  doon  yaha  raggii  kala  deg  ay  taalay . dibu  eeg  hadday  tii  udaran . kula  duljoogaane dibu  eeg  hadday  kala  didaan. Aarku  daydayaye . dibu  eeg  ku  wii  soo  dibjiray. Dalabtan  loo  yeelay . dibu  eeg  intaa  naafa  dedan  . cidi  daryee  laynin .dibu  eeg  danbaa  loo  halgamay. Diiq  markay  timiye. Dibu  eeg  dibu  eeg  intaa  damaq  jiree. Samo  daboo laayo. Dibu  eeg  inaan  doqonba  jirin  qalad ka  diidaynin.

Dibu  eeg . dibu  eeg  damiir  kiinnu  wuu . deyn  qadhaadh  jira,e .dibu  eeg  ka  aan  daarihii. Weli  dabool  saarin. Dibu  eeg  intaa  daarad  madhan. Deyrna  lagu  oodin. Dibu  eeg  agoontii  la  dilay. Kii  dabkaw  shida  yay. Dibu  eeg  intii  mawd  daldalay. Xaqa  mid  doonaa  yay. Dibu eeg  darbaan  weli  uqabin  wax isba door sheene. Dibu  eeg  digniin  tooda  badan. Shacab kan . soo  daalay. Dibu  eeg  inay  kala  durkeen. Daaqa  lagu  nool  yay. Dibu  eeg  intii  daalin  hayd. Ta u danbaynaysa. Dibu  eeg  in  itaa  dulqaad. Dabar  usoo haysa..

WAA  MOHOLIN      4/8/13