Qalabkii sahaminta shidaalka oo soo gaadhay Burco iyo laba xidh salideed cusub oo laga helay aaga Oodweyne

Waxaa magaalada Burco si habsami leh ugu qulqulaya qalabka culus ee sahaminta shidaalka ee sharikadda GENEL ENERGY .waxaa la filayaa in dhawaan gobolka Togdheer barigiisa iyo galbeedkiisaba laga bilaabo wajiga dhul garaaca ama sesmic face  oo ah ka uga danbeeya intaan la qodin shidaalka , waxaana ilaa Sabtidii Burco ku qulqulaya qalabkaas.

 

 

Dhanka kalena Maal qabeen Maxamed Yuusuf oo ah mulkiilha Petrosoma oo sheer ku leh GENEL  ayaa shaaca ka qaaday in sahanka cirka ee balooga Oodweyne u nuujiyay rajo weyn isla markaana la filayo in natiijo fiican  laga gaadho marka immika la bilaabao gaaricada dhulka si loo ogaado meesha ceelasha laga qodayo iyadoo sharikadahu shaaca ka qaadeen in laba xidh salideed hor leh laga helay Oodweyne

 

 

Haddaba dadweynaha Somaliland gaar ahaan kuwa togdheer ayaa lafilayaa in dhaqaale iyo shaqo abuur badani kasoo gasho hawlahan sahaminta shidaalka.

 

Abdirahman Bidhan Dahir

  bcfmradio.com  93.2fm Bristol UK

burco_oil