Siyaasiyiinta Dooroshooyinka laga helay maxaa u diiday sida DR GABOOSE inay karaamadooda ilashadaan oo ummada ka amuusaan shaqo TAGAANA.

Siyaasiyiinta Dooroshooyinka laga helay maxaa u diiday sida DR GABOOSE inay karaamadooda ilashadaan oo ummada ka amuusaan shaqo TAGAANA.

 MAQAAL

Meel walba ood marto ummada Somaliland waxay amaan ula taagan yahin DR GABOOSE oo inta dawladu cadaadisay haddana dalkiis u tudhay oo sharafta qaranka ilaaliyey . haddaab ragan QUUQDA uu n haya maxaa u diiday inay shaqo tagaan oo amusaan, waxa uu yidhi  CABDILLAHI JANNO; Magaceyga kuuma sheegayo.  Waxaadse ii taqaannaa si qoto dheer.  Si ka qoto dheer aqoonta aad adigu isku leedahay.  Qabiil aanan ku jirin wuu yar yahay.  Waxaan kuu ahay xiddig.  Waxaad ii tahay laheyste.  Danahaaga ayaad igu aamintay.  Oo ammaan iigu dartay.  Mowqif iyo mabda’ ma lihi—oo daneyste ayaan ahay.  Nasiib wanaag, waa adiga cidda magac iyo karaamo ii yeeshay.  Waa adiga cidda aan awrka ku kacsado.  Ku daneysto.  Haa, waa adiga shacabka ah cidda i garab taagan.  I buunbuuniso. Ii doodda.  Geesinnimo aanan anigu laheyn igu abuurtay.  Waa adiga shacabka ah cidda magaceyga faafiso.  Sheegsheegto.  Faaniso.  Waddani iigu yeerto.  Geesi iigu yeerto.  Mujaahid iigu yeerto.

Alleylehe waxaa jiro kuwo caqli leh, oo si dhab ah u og inaan ahay tuug.  khaa’in.  Beenaale.  Dilaa.  Dagaal-ooge.  Qabqable.  Daalim.  Misana way isaga key hiilliyaan.  Way ii nacamleeyaan.  Way ii sacabo-tumaan.  Way ii jidboodaan.  Ii geeraaraan.  Sawirro ila galaan.  Oo caleemo qoyanna ii lulaan.  Ogow, iskama abuurmin.  Waxaa i abuuray shacabka.  Oo i naaxiyay.  Oo aan ku tiirsanahay.  Waxa ayna shacabku nafaqo iiga dhigaan xasadka iyo dulmiga.  Markaasaan sii dhiirradaa aniguna.

Ma kuu sheegaa sirta aad iigu noqotay laheyste?  I dhageyso.  I dhuux.  Xitaa haddii aan kuu sheego sirta aan kugu xukumo, cabsi kama qabo dhankaaga.  Xasuusnow, waad i boqortay.  Hoggaan iga dhigatay.  Igu aamintay codkaaga.  Igu aamintay aayaha reerka iyo caruurtaada.  Inta aan qabiil kale dulminayo waxaan agtaada ka ahay shariif.  Awliyo.  Halyeey.  Xaaji.  Waddani.  Hoggaamiye.  Sheekh.

Bal aan ku noqdo sirta aad laheystayaal iigu noqoteen.  Hana hilmaamin anigu kalsooni iskuma qabo.  Waxaan ahay fuley.  Hayeeshee shicibka adigoo kale ah ayaa ii hiilliya.  Waa su’aalee sideen kuugu noqday xiddig?  Sidee adiguna laheyste iigu noqotay?

Jawaabtu waa sahal.  Lix qolo ayaan ku tiirsanahay.  Hiilna iigu deeqay—adigana kaa hiilliyay.

Kow, aqoonyahan ayaa garab ii ah.  Waxay igu difaacaan qoraallo iyo wareysiyo ay qiil ugu bixinayaan waallida aan ku dhaqmayo.  Haddii aan wax laayo ama dibindaabiyo, waxay ii bixiyaan cudurdaar.  Waxay igu tilmaamaan hoggaamiye fiiro dheer leh, oo dadkiisa iyo dalkiisa jecel.  Waddani ah.

Labo, wadaaddo ayaa aayado iyo xaddiisyo qiil iigu bixiyo.  Hadii aan dhintana janaasadeyda u tartamaya, dunidana ku faafinaya inaan ahaa mujaahid shahiid ah.

Saddex, rag abwaanno ah ayaa ii geeraaro.  Sidii qof xaaji ah ii qaddariyo.  Wanaag inaan sameeyay ii qiro.  Danta shacabka inaan hormuud u ahayna igu ammaano.  Waxay sidoo kale iga difaacaan abwaannada kale ee i dhaleeceeyo.

Afar, hablo ayaa buraanbur iigu mashxarado.  Ii alalaaso.  Ii duceeyo.  Iigu xadreeyo inaan ahay geesi.  Lib aan mudanna i siinaya.  Waxay igu ammaanaan laandheerinimo.  Halyeynimo.  Cad-goosi.  Ragannimo.  Cajiib!

Shan,weriyayaal badan ayaa awliyo iga dhigo.  Waxay igu sheegsheegaan mareegyada wararka ee qabiilka.  Oo gefkayga ka dhigaan mid xaq ah.  Dan ah.  Dadkii aan dulmiyay ayay qalinka ku sii dulmiyaan—eeddana dusha uga tuuraan.  Dulmigii aan geystayna qalinka ayay ku asturaan, oo ii xulaan ereyo dabacsan.  Sawirradeyda ayay maalin walba soo dhejiyaan sidii inaan ahay qof jiro oo waxtar leh.

Lix, dhallinyaro caadifadeysan ayaa sawirkeyga iyo hadalkeygaba ku faafiso facebook iyo youtube.  Oo intaas i ammaanaya.  I difaacaya.  Oo ii nacamleeya.  Wanaag aan anigu isku aqoonna igu sheego.

Xaasha!

Soo ma aragtid, in aad laheytayaal ii tihiin?  Waxaan ahay gardarro garab og.  Miskiin.  Nin hiil leh ayaan ahay.  Cidda ii hiillisayna waa adiga shacabka ah.  Cidda aad ka hiillisayna waa nafsaddaada—dantaada.  Aayahaaga.  Jiritaankaaga.  Karaamadaada.  Sirta aan kaaga adkaaday waa middaas.  Waana ogahay waxba igama qaadi kartid.  See wax iiga qaadi kartaa?  Ma leedahay awood?  Miskiin.  Labaatan iyo saddex sano ayaad laheyste ii tahay.  Heeryada ku saaran sidee isaga rogeysaa?  Iga filo inaan sir labaad kuu sheego mar dhow—kolleyba waan hubaa inaadan waxba iga qaadi karin,e.  Miskiin.

Mid xasuuso: aadunuhu wuxuu nafsad ahaan iska jecel yahay inuu muuqdo, oo uu tartamo, oo la sheegsheego.  Dunida hormartay, nin walba takhasuskiisa iyo waxqabadkiisa ayuu ku muuqdaa oo abaal-marinno lagu siiyaa.  Mid baa aqoonta ku qaato abaalmarinta Nobel Prize-ka; mid baa ku soo caan-baxo tartanka ciyaaraha; mid baa ku soo caan-baxo hindisidda wax cusub sida Facebook; mid baa ku soo caan-baxo inuu quuso badaha salkooda; mid baa ku soo caan-baxo tafidda buuraha dhaadheer; mid kalaa ku soo caan-baxo inuu duur-joogta daraaseeyo; midna dhanka fanka iyo farshaxanka.  Annaguse Soomaali ahaan hal meel ayaa si’aad ah looga muuqdaa waayahan danbe: waana siyaasadda.

 

Cali Dheere