Ururka SOLJA Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Xayiraadda uu ka qaaday HUBAAL

Hargeysa (SM)Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa madaxweynaha Somaliland ugu mahad celiyay cafiska uu u fidiyay masuuliyiinta Wargyeska HUBAAL isla markaana uu xayiraadii kaga qaaday wargeyskaasi.

Ururka SOLJA waxay Sidaas ku sheegeen War murtiyeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Ku Xigeenka urur Suxufiyiinta Somaliland Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay S salaanmedia waxaanu u dhignaa sidan:-
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu ku bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), go’aanka geesinimada leh ee isugu jiray Xayiraad-ka-qaadista Wargayska HUBAAL iyo Cafis uu u fidiyey Maareeyaha iyo Tifaftiraha isla Wargayskaa Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Iyo Xasan Cabdillaahi Xuseen (Xasan-Keefkeef).

Wargayska Hubaal oo Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex (Hargeysa) xayiraad kusoo rogtay 11th June 2013, halka labada masuulna isla Maxkamada Gobolku ay 3 July, 2013 ku riday xukuno isugu jiray hal Sanno ilaa labada Sanno oo xadhig iyo ganaax lacageed oo dhan laba Milyan oo Shilinka Somaliland ah midkiiba (2,000,000).

Ururka SOLJA oo muddadii hawshani jirtay door muhiim ah ka qaatay sidii xal looga gaadhi lahaa Duruufaha Wargayska HUBAAL, waxa kaloo uu si gaar ah ugu mahad-naqayaa xubnaha Wasiirada ee hawsha wargeyska iyo xubno ka tirsan bahda Saxaafada iyo dhamaan inta kale u jeelan hadalka iyo madax-bannaanida Saxaafada, waxaanu Ururka SOLJA u dirayaa Madaxweynaha in tallaabadani noqoto bog cusub oo Caafimaad qaba.

Geesta kale, Ururka SOLJA ugu baaqayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha kale ee amniga in Xorriyadiisa loo soo celiyo Weriye Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cismaan oo ka tirsan Shabakada Wararka ee Ramaasnews, Suxufigaas oo abaaro 10-kii Subaxno ee Saaka (18th August, 2013) Ciidamada Boolisku Xabsiga u taxaabeen isagoo gudanayey hawl maalmeedkiisa Shaqo, kadib markii uu isku dayey inuu Sawiro ka qaato dad Cabasho tirsanayey oo debad-bax ka sameynayey Magaalada Hargeysa.”

Salaanmedia/Hargeysa

 

 

TOP