Wakiilka Doonidii Degtay Oo Ka Hadlay Khasaaraha ka soo gaadhay doonidaas

Xoolihii waxba kama noola Oo Bakhtigoodii waxaa laga helay xeebta Lughaya,laakiin dadkii saarnaa ayaa la ii soo sheegay in uu bad-baadiyay markab dagaalka”

Berbera (Somaliland.Org):-Dooni todobaadkii hore ku degtay badda u dhaxaysa Somaliland iyo Yemen, taasi oo 29-kii bishii hore xoolo isugu jiray Adhi iyo lo’ ka qaaday dekadda Berbera ayaa la sheegay in la bad-baadiyay dhamaanba dadkii saarnaa doontaasi degtay kuwaasi oo ahaa shaqaale iyo rakaab.

Sidaasina waxa noo xaqiijiyay Yuusuf Cali Nuur oo ah wakiilka shirkada Tawfiiq Shipping Agency iyo doonidda degtayba, oo xalay telefoonka ugu waramay Weriye Khadar Cabdi Muuse oo ka tirsan wargeyska DAWAN, isaga oo jooga magaalada Berbera. waxaanu sheegay in dhamaanba dadkii saarnaa doontaasi degtay uu badbaadiyay markab Kuuriyaan ah oo kuwa dagaalka, kaasi oo samata bixiyay dadkaasi ka dib markii badda ku qaraqantay doonidii ay la socdeen isla markaana ay bed-qabaan, oo ay hadda saaran yihiin markabkaasi oo jooga aaga xeebta dekeda Mukala ee dalka Yemen, waxaanu tilmaamay Yuusuf Cali Nuur in dadkaasi lagu wareejin doono mulkiilaha doontii degtay oo jooga magaalada mukala.

wakiilka shirkada Tawfiiq Shipping Agency, waxa kale oo uu sheegay in dhamaanba wixii xoolo ahaa ee saarnaa doontaasi degtay ay dhinteen isla markaana qaybo ka mid ah bakhtigoodii lagu arkay xeebaha dhinaca galbeedka gaar ahaana xeebta lughaya. Waxaanu yidhi “Xoolaha bakhtigoodii waxaa laga helay aaga xeebta galbeedka ee lughaya, xoolihii saarnaa waxba kama noola, laakiin dadkii saarnaa ayaa imika la ii soo sheegay in uu bad-baadiyay markab Kuuriyaan ah oo kuwa dagaalka ah, kaasi oo ay hada saaran yihiin, dhamaantoodna way bed-qabaan, markabkaasi oo jooga aaga Mukhala, waana laga soo wareejin doonaa, ninkii doonta degtay lahaa ayaa ila soo hadlay oo ii sheegay isaga oo jooga Mukhala, waanay nabad qabaan ayuu igu yidhi, waana laga soo wareejin doonaa markabkaasi,markaa waxay noqonasyaa ilayn waa dad qar-qoomaye in xafiiska ninka doonta degtay lahaa la geeyo, ka dibna loo taliyo oo go’aan laga gaadho meesha la gaynayo”.

Yuusuf Cali Nuur waxa kale oo uu sheegay in doontaasi degtay oo magaceeda la odhan jiray Al-Saciid 2, isla markaan uu mulkiile ka lahaa ganacsade u dhashay dalka Yemen oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Jibaar Saciid degana magaalada Mukala, ay 29-kii bishii hore ka qaaday dekeda Berbera xoolo dhamaa 1621 neef oo isugu jiray Adhi iyo Lo’ una rarnayd ganacsato reer Somaliland ay ku degtay badda u dhaxaysa Somaliland iyo yemen, intii ay ku sii guddo jirtay safarka badda.

Yuusuf Cali wuxuu intaas ku daray in doontaasi degtay ay saarnaayeen 11-qof, kuwaasi oo toban ka mid ahaa ay ahaayeen Baxaari doonta shaqaale ka ahaa, isla markaana ay sideed (8-deed) ahaayeen Hindi, mid u dhashay Yemen iyo mid Soomaali ah, halka nin rakaab ahaa ee Berbera ka raacayna uu u dhashay dalka Yemen.

Wakiilku isaga oo arrimahaas ka faah-faahin ka bixinaya waxa uu yidhi “Doontu dekedda Berbera ayay 29-kii bishii hore waxay ka qaaday 461 neef oo lo’ ah iyo 1160 neef oo Adhi ah,kuwaasi oo ay lahaayeen ganacsato reer Somaliladn ahi, waxaana doontaasi saarnaa 10-qof oo shaqaale ah iyo nin rakaab ah oo Yemen u dhashay, 10-ka qof ee shaqaalaha ahaa 8-deed waa Hindi midna waa Soomaali, midna waa Yemeni iyo ninkaa rakaabka ah ee Berbera ka raacay oo isna Yemeni ah. Waxaa doontaasi magaceeda la odhan jiray Al-Siciid 2, waxaana iska leh nin la yidhaahdo Cabdi Jibaar Siciid oo ah nin Yemeni ah, waana nin ganacsade ah oo degan Mukhala, waana nin xidhiidh ganacsi la leh Somaliland, waxaanu ka mid yahay ganacsatada ay doonyahoodu ka shaqeeyaan Berbera”.

wakiilka shirkada Tawfiiq Shipping Agency, oo aanu waydiinay sababta keentay in ay doontaasi degto ayaa sheegay in aanay si cad u ogayn waxa sababay balse ay u aanaynayaan badda oo muddooyinkan danbe aad u kacsanayd, waxaanu xusay sh in aanay doontaasi degtay ku jirin wax Caymis ah sidoo kalena xoolaha ay siday aanay ku jirin wax Caymis ah isla markaana aanay jirin meel loo raaco magdhawga hantidaasi degtay mar haddii aanay doonta iyo xoolaha midna ku jirin wax Caymis ah. “Doontu iyada oo nabad qabta ayay naga baxday 29-kii bishii July subaxnimadii, bal se marqudha ayaanu waynay, qadar ayuunbaa ku dhacay baan u malaynayaa, inkasta oo baddu aad u kacsanayd beryahanba. doontu caymis in ay ku jirtay iyo in kale ninka leh ayuunbaa ka warami kara, laakiin mar haddii aanay xooluhuba caymis ku jirin, dooniduna kuma jirayso. doonta waxaa la soo iibsaday sanadkii hore, waxaana la kala siistay lacag dhan hal milyan iyo boqol kun oo dollar, magaceedii hore waxaa la odhan jiray Asqari, doon caan ah oo wadanka muddo ka shaqaynaysay ayay ahayd” ayuu yidhi Yuusuf Cali Nuur.

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN