War Dag Dag Ah: Dawlada Somaliya Iyo Xasan Daahir Aweys Oo Heshiis Wada Galay (Akhriso)

War Dag Dag Ah: Dawlada Somaliya Iyo Xasan Daahir Aweys Oo Heshiis Wada Galay (Akhriso)

Aug 18,2013 Muqdisho(SM) – Kulamo mudo socday oo looga arrinsanayay mustaqbalka Xasan Dahir Aweys ayaa xalay soo gabagabowday, kadib markii kullan Sedax geesood ah oo ay wada yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Odayaasha dhaqanka beesha Habar Gidir iyo Xasan Dahir Aweys Dood dheer kadib ayaa Dowladda Federaalka waxay soo gudbisay Sedax qodob oo Xasan Dahir uu ku helayo xorriyadiisa, kuwaasoo kala ahaa in Xasan Dahir uusan ku lug yeelan Al-Qaacida iyo Shabaab, In si nabadgelyo ah uu ugu dhexjiro arrimaha siyaasadda, iyo in uu taageero Qaranimada Somalia iyo Dowladda Federaalka Somalia.

Hase ahaatee wuxuu Xasan Dahir uu ka horyimid qodobka ugu dambeeyo ee dhigaya inuu taageero Dowladda Federaalka, taasoo dood mudo qaadatay kadib la isku raacay in qodobkaasi laga saaro inta kalena uu aqbalay.

Sadaxda dhinac waxay ku heshiiyeen qodobada kale in uu Xasan Dahir fuliyo, kadibna la sii deyn doono, laakiin Xasan Dahir ayaa codsaday in la siiyo waqti uu kula soo tashado Saaxiibadiisa, codsigaasi oo dowladda ay aqbashay iyo Odayaasha Habar Gidir.

Lama oga waqtiga la tashiga Xasan Dahir uu qaadan doono, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in maalmaha soo socda uu dib u heli doono xorriyadiisa Xasan Dahir Aweys.

Dowladda Federaalka waxay in mudo ah gacanta ku haysay Xasan Dahir oo baxsad ahaan u tegay degmada Xaradheere ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagaga soo gudbiyay magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/ Muqdisho Office