WAR DEG DEG AH: HARGEYSA: CIIDAMADDA BOOLISKA OO LAGU DAADIYAY MAGAALADDA IYO CABSI WAYN OO JIRTA

WAR DEG DEG AH: HARGEYSA: CIIDAMADDA BOOLISKA OO LAGU DAADIYAY MAGAALADDA IYO CABSI WAYN OO JIRTA

newsflash1

 Hargeysa (SM) magaalada Hargeysa ayaa saaka lagu daadiyay ciidamo farabadan iyadoo amaanka magaaladda aad loo adkeeyay ciidamadda booliska ayaa lagu daadiyay suuqyadda iyo xaafadaha magaaladda Hargaysa.

 

Cabsidan wayn ee soo food saartay dawladda ayaa loo malaynayaa inay ku tacaluqdo kadib markii intoda badan shabakaddaha internetka ay faafiyeen warar sheegaya cabsi laga qabo inay Hargeysa dagaalo ka qarxaan iyago shabakadaahasi sheegay inay beesha Arab dagaalamayso waa sida ay hadalka u dhigeene inkastoon ilaa la xaqiijin wararkan meesha laga kenay hadana waa ciidamadda booliska Somaliland la galiyay heegan iyadoo maanta si aad ah loo baadhayo magaaladda gaar ahaan gaadiidka

 

Dhanka kale waxa iyagana la baadhayay basaska magaaladda oo aan hore loo baadhi jirin iyadoo ciidamadu gudaha u galayeen basaska dadka sarana ay baadhayaan, cabsida noocan ah ayaa ah tii ugu horaysay ee Somaliland laga dareemo waxaana laga war sugayaa hal arintani ku dambayso.

Salaanmedia.com

Hargeysa/Office

 

Â