Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland iyo Shirkad Itoobiyaan ah oo si wadajir ah u saxeexay heshiis lagu dhisayo Madaarka Berbera

Hargeysa, 13, Mar 2012 (SM)- Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland ayaa heshiis la saxeexatay shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya, taasoo ku guulaysatay dhismaha madaarka magaalada Berbera.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi  iyo Habtame Mingiste oo ka mid ah shirkada ku guulaysatay dhismaha Madaarka Berebra ayaa si wadajir ah u saxeexay heshiiska hirgelinta dhismaha.

Wasiirka Duulista oo ka hadlay heshiiska ay Wasaaraddiisu la gashay shirkada Itoobiyaanka ayaa sheegay  in shirkadani ku guulaystay inay dib u dhis iyo casriyeynba ku samayso garoonka diyaaradaha  ee magaalada berbera  wasiirka oo ka hadlaya heshiiskasina waxa uu yidhi “ maanta waxa halkan heshiis ku kala saxeexanaya wasaarada duulista iyo hawada iyo shirkad Ethiopian ah taasoo la yidhaa Teleleberham Ambaye, heshiiskani waxa weeye qandaraaskii ay ku guulaysteen ee ahaa dhismaha terminalka garoonka diyaaradaha ee  magaalada berbera kaas oo laga dhisi doono terminal cusub oo weyn iyo deyr siliig ah oo lagu wareejinayo garoonkaa.”

Wasiirka wasaarada duulista waxa kale oo uu sheegay in mashruucani ka mid yahay mashaariicdii ay dawlada kuweyt ugu deeqday Somaliland waxaanu yidhi “Mashruucani waxa uu ka mid yahay mashaariicda ay dawlada kuweyt ugu deeqday Somaliland kaas oo mudo la waday baadhitaankiisa waxyaalihii lagu qaban lahaa, intaas ka dib si hufan oo habaysan ayaa loo soo bandhigay qandaraaska ay shirkadani ku guulaysatay kaas  lagu faafiyey geeska afrika oo dhan si ay shirkadahoodu uga soo qayb galaan, mashruucana hore ayaanu u saxeexnay qaybtii hargeysa.

Mashruucan lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera waxa ku baxaya 4,396000 $ (Afar Milyan Sadex Boqol iyo Lixyo Sagaashan Kun oo doolar).

Mashruucani waxa uu noqon doonaa mid kaabayaasha dhaqaale ee dalka wax ka badali doona, xukuumadana waxa ka go,an  inay isbedel weyn ku samayso horu marka iyo nolosha bulshada.”

Dinaca kale Habtame Mingiste oo ah masuul matalayey shirkada Telelberham Ambaye oo ah shirkada ku guulaysatay qandaraaskan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska ay shirkadu la galayso wasaarada duulista iyo hawada ee Somaliland waxaanu yidhi “aad baan ugu faraxsanahay inaan saxeexo heshiiskan aanu ku dhisayno garoonka diyaaraha ee magaalada berber, heshiiskana waxa uu sheegayaa dhismaha terminalka garoonkaa magaalada berbera iyo silig lagu wareejin doono garoonkaa,  shirkadan aan masuulka ahayna way ka wada hadleen masuuliyiinta Somaliland heshiiskan iyo waxa uu shigayo eek u saabsan  dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera.

 

Salaanmedia/Hargaysa