Wasiirka Arrimaha Dibada S/land Oo Markii U Horaysay U Dhoofay Kenya Kadib Casuumad Uu Ka Helay Wakiilka Midawga Yurub Ee Somalia

Aug 15,2013 Hargaysa(SM) Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mohamed Biixi Yoonis ayaa markii u horaysay tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi booqsho ku tagay dalka Kenya si uu ula xaajoodo wadamada qaadhaan bixiyeyaasha ee ku hawlan shirka qaadhaanka loogu ururinayo dalka Somalia (New Deal). Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ku qornaa Afka Ingiriisiga oo laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Xaalamiga. Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa u duulay maalintii shalay dalka Kenya, taas oo noqonaysa socdaalkii ugu horeeyey ee uu dalka dibada uga baxo tan iyo intii si rasmi ah jagadaasi loogu magacaabay 27 July 2013.

Waxa kale oo Warsaxaafadeedkaasi lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalilnd uu martiqaad ka helay Safiirka Madawga Yurub ee Somalia, H.E. Michele Cervone d’Urso, si loo sii wado wadahadalada iyo wadashaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo wadamada qaadhaan bixiyeyaasha ee saldhigoodu yahay dalka Kenya ee isku dubariyada Barnaamijka “New Deal” ee dawlada taagta daran ee Somalia lagu caawinaayo. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland waxa uu sidoo kale uu kulan la qaadan doonaa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, iyo wadamada Midawga yurub xubnaha ka ah iyo dawlado kale oo deeq bixiyeyaal ah ayaa lagu sheegay Warka ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada.

Wasiirku inta uu joogo Kenya waxa uu u sharixi doonaa wadamadaa qaadhaan bixiyeyaasha ah baahiyaha horumarineed ee Somaliland u baahan tahay. Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha dibadu uu u qadimi doonaa fariinta jawaabta ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyey shirka ka dhacaya dalka Bulguim-ka ee maalintii ciidii uu ku sheegay Madaxweynuhu in aanay Somaliland ka qaybgalayn shirka 16 September loo qabanayo dalka Somalia.

Salaanmedia/ Hargaysa Office